Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee ayey Shabaab hubka uga soo degsataa dekadda MUQDISHO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa howlo hub kala soo dagis kawada Dekadaha waaweyn ee dalka, gaar ahaan Dekadda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Maleeshiyaadkan ayaa la rumeysan yahay inay ku xiran yihiin ganacsato caana oo alaabo kala soo daga Dekadda kuwaa oo macaamiil dhow la ah maamulka Dekadda Muqdisho.

Ganacsatada ugu badan ee xiriirka uu kala dhexeeyo maleeshiyada ayaa ah kuwa alaabaha kasoo rarta dalalka Imaaraadka iyo Yemen, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dekadaha dalalkaasi ay horay uga soo raraan Hubka ku socda Al-Shabaab.

Doonyaha ganacsi ee Hubka u wada Al-Shabaab ayaa intooda badan la xaqiijiyay in Dekadda Muqdisho ay kusoo xirtaan inta u dhexeysa xiliyada Salaada casir ilaa saqda dhexe si loo dadajiyo dajinta Hubka, maadaama xiligaasi ay aad u yar yihiin howlwadeenada Dekadda.

Sarkaal ka tirsan Booliska Dekadda oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa sababo amni ayaa inoo xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay howshooda ka wataan Dekadda.

Waxa uu Sarkaalkan tilmaamay in Hubka ugu badan ee Al-Shabaab ay soo dajiyaan Ganacsato caan ah oo dhaqaale ku bixiya maamulka, waxa uuna intaa raaciyay inay jiraan Ganacsato dhowr ah oo loo qabtay howshaasi balse aan lasoo taagin Maxkamad.

“Haddii uu jiro maamul lama sii dayeen Ganacsato badan oo loo qabtay Hub ay u sideen Al-Shabaab iyo Qamri sharci daro ah oo ay kasoo dajiyeen Dekadda”

“Wey jirtaa wada shaqeyn Ganacsatada kala dhexeysa maamulka Dekadda aniga waxaan dekadda ka shaqeynaayay ku dhawaad Siddeed sano inta aan joogay waan qaban jirnay Hubka balse ma aragno cid loo xiray iyo hub ay la wareegto dowlada”

Sarkaalkan waxa uu sheegay in amni darada ugu badan ay qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dowlada u dhiibato maamulka Dekadaha iyo Garoomada maadaama uu tilmaamay inay yihiin goobaha ugu badan ee laga soo dajiyo wayaabaha sharci darada ah”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Hubka noocyadooda kala duwan ay Al-Shabaabka kala soo dagaan Dekadaha macmalka ah sida Hobyo, Ceel-cadde iyo kuwa Puntland.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay ka fiirsato shaqsiyaadka ay u dhiibaneyso xilka ee dhibta amni darro u horseedi kara magaalada Muqdisho oo iminka kasoo hagaageysa halkii ay horay u taagneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this