Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Abiy Axmed oo fuliyay mid kamid ah ballanqaadyadii uu sameeyay (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qaaday talaabo lidi ku ah maamulkii isaga ka horeeyay kadib markii uu shaqada ka eryay Saraakiisha gacanta ku hayay Xabsiyada Ethiopia oo horay looga dardaarmay.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waraaq kasoo baxday Xafiiskiisa ku eryay 5 Sarkaal oo dowlada mas’uul uga ahaa Xabsiyada waaweyn ee magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed, ayaa Saraakiishaasi ku eedeeyay inay ku tunteen maxaabiista isla markaana seejiyeen daryeelka ay ugu tallo gashay dowlada.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in talaabada uu ku eryay Saraakiisha ay qeyb ka tahay ballanqaadyo uu sameeyay xiliga magacaabidiisa, waxa uuna ku goodiyay inay sii socon doonto xil ka qaadista kuwa ku sifoobay dhibaateynta shacabka.

Geesta kale, Abiy ayaa ka digay in lagu xadgudbo sharciyada dalka u degsan waxa uuna ku baaqay in la wanaajiyo dadka shacabka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this