Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Daah-furay Barnaamijka Horumarinta Caasimada Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Qorshaha_Horumarinta_Caasimadda-1.jpg?reMuqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Daah-furay shir soconaya muddo shan casho ah oo looga hadlayo qorshaha horumarinta Caasimadda ee shanta sano ee soo socoto, kaa soo ujeedku yahay in Caasimaddu ay yeelato qorshe ku saleysan baahida degmooyinka si loo fuliyo adeegyo bulsho oo huffan.

Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaraya qodobo lagu maalgelinayo kaabayaasha bulshada, sida waxbarshada,caafimaadka ,bilicda magaalada, Waddooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, si looga hortago hoos u dhac ku yimaado howllaha uu maamulku u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo furitaanka shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay kii ugu horeeyey ee Gobolka Banaadir uu yeesho, isagoo dhabaha u xaaraya hannaan lagu wada xisaabtamo oo bulshada 17-ka degmo u sahalaya in ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee xaqa u leeyihiin kuna saleysan baahiyo la isla wada og yahay.

“Inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah ee qorshaha horumarinta Caasimadda shanta sano ee soo socota waa guul taariikhi ah oo muujinaysa soo kabasha horumarka Caasimadda, ma jiro maamul shaqeyn kara haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawllaha uu qabanayo,” ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur.

Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in barnaamijka horumarinta Caasimadda uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo bulshada, iyadoo sameyntiisa la geliyey wakhti, maal iyo feker, si looga miro-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta Gobolka Banaadir. Waxuna ka codsaday ka qeyb galayaasha shirka in talooyinkooda ay ku biiriyaan si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhammaan degmooyinka Muqdisho.

Ugu dambeyn, Qorshaha Horumarinta Caasimadda oo socon doona muddo 5 sanno ah ayaa hadafkiisu yahay dhimista fakhriga, dib-u-dhiska iyo dib-u-habeynta kaabayaasha maamulka.

Qorshaha_Horumarinta_Caasimadda-2.jpg?re Qorshaha_Horumarinta_Caasimadda-3.jpg?re

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Daah-furay Barnaamijka Horumarinta Caasimada Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this