Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal sabab oo ciidamada AMISOM u sahleysa inay bahdilaan madaxda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online ) – Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa Ee AMISOM oo Soomaaliya laga howlgeliyay sanadii 2007-dii ayaa waxa ay geystaan dacadiyo kala duwan oo ay kula kaceen shacabka  iyo hantidooda , waxaana hadda ay bilaabeen in  Madaxda dalka ay six un ula dhaqmaan.

Ciidamada AMISOM oo dalal kala duwan ka soo jeeda waxa ay Soomaaliya ugu howlgalaan Magaca Nabad Ilaalin, waxaana sidoo kale ay la dagaalamanaa kooxaha Argagixisada ee ka howlgasha gudaha dalka.

Tacadiyada ay geestaan Ciidamaada AMISOM ayaa bilowday markii howlgalka tooska ah lagu amray iney la galaan Al Shabaab  si ay dalka ugu saaraan.

Dhibaatooyin aan waxba la iska weydiin ayeey shacabka u geysteen Ciidamada Shisheeye ee AMISOM  sida iney dilaan ama ay dhaawacaan dad shacab ah iyagoo adeegsanaya Gawaarida qafilan iyo rasaas nool nool.

Dhowrmar oo shacabka ay dhibaateen ciidamaada AMISOM kama aysan hadlin madaxdii dalka, mana jirin raali gelin buuxdo oo ay bixiyeen marka laga reebo dhacdooyin ay aad kaga caroodaan shacabka oo qaarkood is hor-istaagay gawaarida waa weyn ee ciidanka AMISOM.

19-kii Bishii June ee sanadkan waxaa AMISOM markii ugu horeysay ay si xun ula dhaqantay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo Xasaanad iyo maamuus gooni ah leh sida Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi , oo muddo saacado ah lagu xanibay garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho isagoo loo diiday inuu ilaaladiisa la galo garoonka,  xili uu ku wajahadnaa safar shaqo oo Dalka Kenya ah, waloow markii dambe la xaliyay oo ay fasaxeen.

Sidaas si lamid ah isla maalinkaas waxaa warar hoose ay sheegayeen in Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad laga hor istaagay safar dibedda ah.

Maanta oo Taariikhdu ku beegantahay 3 July 2018 Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Ciidamada AMISOM Ambassador  Francisco Madeira, waxa uu la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ay wehlinayeen labadiisa ku xigeen isagoo kala hadlay kaliya  arrimaha amniga Soomaaliya iyo Protocol-ka.

Waxaana Francisco Madeira uu  sharaxaad ka bixiyay dhacdadii xayiraada ee Guddoomiyaha Aqalka Sare mana jirin jawaab rasmi ah iyo raali gelin ay ka bixiyeen xayiraada lagu sameeyey 19-kii Bishii june ee sanadkan Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ciidamada AMISOM u diideen inuu ilaaladiisa la galo garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqidhso.

Ciidanka AMISOM ayaa la ogyahay in ay dileen askar katirsan ciidanka dowladda iyagoo sidoo kale dhowr mar duqeeyay deegaano ay dad shacab ah ku nool yihiin oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, waxanaa ka marneyn dhibka ay shacabka ku hayaan gawaaridooda Qafilan oo dhowr mar dad shacab ah la jiirsiiyay iyagoo si kas ahna u toogtay xoolo nool sida tobanaan neef oo geel ah oo sanadii hore agagaarka garoonka Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobalada dalka ku dileen.

Isku soo wada duub Madaxda Dalka oo go’aan adag aan ka qaadan sida AMISOM u dhibaateyso shacabka  ayaa keentay in Madaxda ay ula dhaqmaan si aan wanaagsaneyn , hadaba AMISOM oo ogaatay in aysan waxba ka qaadi kirin Madaxda dalka hogaamiso waxa dhibaatooyin hor leh u geysan doonaan Shacabka, Iyo Madaxda dalka maadama aysan jirin la xisaabtan dhab ah oo looga jawaabayo tacadiyada AMISOM ka geystaan guud ahaan dalka.                                                  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this