Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub Shaki Dhaliyay oo u soo Dagay Dowladda Somalia iyo Goob Qarsoodi ah oo la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

hub-610x380.jpg?resize=828%2C516
Muqdisho (PP) ─
Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii hore kasoo dejisay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Hubkaan ayaa ka kooban qoryaha AK-47 oo la sheegay in ay dhan yihiin 300 oo qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo millateri.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya.

Waxaa kale oo su’aali ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

Idaacadda VOA waxay la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti, wasaaradda amniga ee Soomaaliya, madaxa nabadsugidda gobolka Banaadir iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaantood ay ii suurtogeli weyday inaan ku qanciyo inay ka hadlaan arrintan.

Dhanka kale, Qaybta dambe ee barnaamijkan waxay ku saabsan tahay waraysiyo aan la yeelanay qaar ka mid ah askartii joogtay Jigjiga xilliga uu ddhacay dilkii ugu weynaa ee loo gaysto askar Soomaaliyeed sannadkii 1978-kii.

Haddaba, DHAGEYSO: Warbixinta oo ay diyaarisay Idaacadda VOA-da;

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/Galka_baarista-hub_u_soo_dagay_Dowladda_Somalia.mp3

PUNTLAND POST

The post Hub Shaki Dhaliyay oo u soo Dagay Dowladda Somalia iyo Goob Qarsoodi ah oo la dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this