Sign in to follow this  
Deeq A.

54-ta xubin ee jabhadda Al-Shabaab ugu sarreeya iyo sida ay BEELAHA u kala qeybsadeen (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta Sedexaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose.

Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, sidoo kale qeybtii labaad ee warbixintaan waxaan kusoo qaadanay 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen, Qeybta sedexaad waxaa kusoo qaadanay 27 Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay beelaha u qeybsaden

Haddaba Waxaana Maanta qeybta Afaraad oo ah qeybta ugu dambeyso kusoo qaadan doonaa Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda.

Beesha Mogadishu Clan ayaa mar kale qaadatay aqbaliyadda Mas’uuliyiinta ugu sareyso qeybta Jabhadda Al-Shabaab ee ka dagaalanto duurka waxayna qaadatay 57% oo ah in ka badan 30 xubin.

Beesha Daarood ayaa sida caadada aheyd ku jirto qaalinta labaad, waxayna qaadatay 15%, halka markii ugu horeysay ay isku qoondo qaateen Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle kuwaas oo qaatay min 13% halka Beelaha Shanaad ay qaateen 2%.

Halkaan hoose ka arag sawirka muujinayo habka loo qeybsaday mas’uuliyiinta ugu sareyso Jabhadda Al-Shabaab.

Haddii ay ku dhaaftay warbixinadi hore halkaan hoose ka akhriso:

220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen

10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen (Yaa u badan)

27-ka xubin ee amniyaadka Al-Shabaab ugu sarreeya & sida ay u kala qeybsadeen beelaha Soomaalida (Aqri)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this