Sign in to follow this  
Deeq A.

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: KAALIYAHA SARKAALKA XUQUUQDA AADANAHA

Recommended Posts

Deeq A.   

UNSOM-1.png?resize=406%2C338

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA

(UNSOM)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

 

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                     03 AGOSTO 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                      04 LUULYO 218

MAGACA jEGADA:                    KAALIYAHA SARKAALKA XUQUUQDA AADANAHA

HEERKA:                                                                              NO-B  

QAYBTA:                                                                              QAYBTA XUQUUQDA AADANAHA IYO ILAALINTA                                                                                  

GOOBTA:                                                                             BELEDWEYNE

MUDDADA HESHIISKA:                                                 HAL (01) OO GO’AN          

LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN:     UNSOM/HRPM/032/2018/SM

Ogeysiis Khaas ah

Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Codsadaha ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan codsadayaasha waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Kala-sarreynta:

Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Beledweyne. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doonaa Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha P-4

Mas’uuliyadaha:

Kaaliyaha Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha waxaa uu mas’uul ka noqon doonaa waajibaadyada soo socda:

  1. In uu HRPG ka hirgeliyo heer qeyb/goob, uu la socdo, dabaggalo, isla markana uu gudbiyo warbixin ku aaddan xad-gudubyada iyo tacaddiga xuquuqda aadanaha;
  2. In uu fuliyo ol’ole isla markana uu tababarrada iyo karti-dhiska dhinaca xuquuqda aadana u ballaariyo hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga si loo xoojiyo u hoggaansanaanta si waafaqsan shuruudaha ku xusan HRDPP, gaar ahaan sare u qaadidda awoodda ay maamul goboleedyada u leeyihiin in ay ku horumariyaan la xisaabtankooda iyo ilaalintooda, ayna baaritaanno madax bannaan ka sameeyaan dhacdooyinka marka ay awoodaan;
  3. In uu ka qaybqaato diyaarinta qiimeynta halista HRDPP iyo ogaanshaha tallaabooyinka lagu yareynayo marka loo eego codsiyada ku aaddan taageerro oo ay soo gudbiyaan ciidamada ammaanka ku sugan goobta;
  4. In uu sare u qaado awoodda loo leeyahay in la bixiyo diginin hore iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo in laga hortago waxna laga qabto xad-gudubyada ay geystaan ciidamada ammaanka;
  5. In uu fuliyo waajibaadyada kale ee loo xil-saaro.

Kartida:

Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

 Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Isla-xisaabtan: In uu dhabarka saarto dhammaan mas’uuliyadaha uuna ka soo baxo ballanqaadyada; In uu ka soo baxo hawlaha uu qofka mas’uul ka yahay xilliga loogu talagalay iyo kharashka iyo heerarka tayada ee loo baahan yahay; In uu howshiisa u qabto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka hay’adda; In uu shaqaalaha ka hooseeya taageerro, in uu kormeero uuna qaado mas’uuliyadda hawlaha loo igmaday; In uu qaato mas’uuliyadda waxyaabaha ay asaga iyo waaxdiisa ka gaabiyeen, meesha munaasabka ah.

Aqoonta:

Waxbarasho:    Shahaado sare ee jaamacadda (Master-ka ama wax u dhigma) oo dhinaca sharciga, sayniska siyaasadda, xiriirka caalamiga, sayniska bulshada, ama wax la mid ah. Shahaado heerka koowaad oo ay wehliso labo sano oo khibrad wax ku ool ah waa la aqbali karaa booska shahaado sare.

Khibrad:              Ugu yaraan sanad oo khibrad wax ku ool ah dhinaca xuquuqda aadana ama shaqo la xiriira.

Xirfadaha la doonayo:.  Khibrad ku aaddan la shaqeynta heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, agabyada iyo hannaanada. Waayo aragnimo hore oo la xiriira kormeerka iyo ka warbixinta iyo/ama karti-dhiska ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Khibrad dhinaca falanqeynta macluumaad aad u ballaaran, oo ay ka mid yihiin ilaha furan. Ugu yaraan lix bilood oo khibrad wanaagsan laga haayo goobaha shaqada.

Luuqad:               Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay. Aqoonta luuqadaha Ingiriiska ama Faraansiiska (hadal iyo qoraalba) ayaa loo baahan yahay. Aqoonta luuqadda maxalliga ah waa mid habboon.

 

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida.

 Macluumaad Dheeraad ah:

Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 02 Agosto 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono.

Email: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka.

Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga looguna talagalay in lagu qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this