Sign in to follow this  
SOO MAAL

Laba Gabdhood Shaqada Uga Eryey Xijaabkii Ay Isku Asdurayeen iyo Dareenkii Ka Dhashay

Recommended Posts

SOO MAAL   

Laba Gabdhood Shaqada Uga Eryey Xijaabkii Ay Isku Asdurayeen iyo Dareenkii Ka Dhashay

 

 

Wasiirka War-faafinta Oo Laba Gabdhood Shaqada Uga Eryey Xijaabkii Ay Isku Asdurayeen iyo Dareenkii Ka Dhashay

SOURCE: Hadhwanaagnews

u_2d_2006-11-8-10-32-14f_wasuuraka%20was (wasiirka warfaafin Axmed Xaaji Daahir Cilmi)

 

 

hadhwanaag 2006-11-08 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Laba gabadhood oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada war-faafinta iyo wacyigelinta jamhuuriyaa Somaliland, ayaa ku eedeeyey wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Md, Axmed Xaaji Daahir Cilmi inay shaqadii ay wasaarada warfaafinka ka hayeen uu kaga eryey xijaabka ay isku asdurayeen.

 

Labadan gabdhood oo magacyadooda lakala yidhaahdo Hoodo Iimaan Maxamed iyo Saynab Yuusuf Axmed, ayaa sidaa ka sheegay mar ay shalay u waramayeen warbaahinta,

 

weligay layma odhan xijaab ayaad sidataa, diintayda muslimka ayey gaaladu igu ixtiraami jirtay, in maata dalkaygii oo muslima xijaab ha ku soo shaqo tagin ama xijaabku noqdo dhar cay ah“Maalintii ugu horeysay ee wasiirka warfaafintu shaqada wasaarada la wareegay ayaa waxa uu igu yidhi, Waa Maxay xijaabkan aad ku soo shaqo-tageysaa, lama ogola in xafiisyada lagu yimaado waana ka mamnuuc, waanan la yaabay anigoo ku soo koray dal ajenibi ah oo Kiristan xukumo (Kenya) oo lix sanadood oo kaliya dalkayga joogay oo sadex madaar oo kiristana xijaab kaga dhoofay, weligay layma odhan xijaab ayaad sidataa, diintayda muslimka ayey gaaladu igu ixtiraami jirtay, in maata dalkaygii oo muslima xijaab ha ku soo shaqo tagin ama xijaabku noqdo dhar cay ah” sidaa waxa tidhi Hoodo Iimaan Maxamed oo ka hadlaysay sida ay uga xuntahay waxa uu wasiirka warfaafinutu kula kacay

 

Iyada saynab Yuusuf Axmed ayaa farta ku fiiqaday inuu wasiirka warfaafinu ku yidhi markii ay ku tidhi na sii xaafada aan degenay Bas ma tago, waxa uu nagu yihdi ayey tidhi waxa magaalada Maraya ee Baabuurta wataa waa rag ee intaad gacanta u taagto Baabuurtu ha idin-qaadaan, Adiguna tilifoon Number-kaaga u qor, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay yidhi“Waxaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta haa muddo sadex sanadood iyo badh, intaa aan wasaarada joogay waxaan ku soo shaqeyn jiray xijaab, maalintii uu noo yimi wasiirka warfaafintu (Axmed Xaaji Daahir) ayuu ii yeedhay waxaanu igu yidhi. Waa Maxay xijaabkan aad xidhan tahay ma itixaad ayaad tahay, markaas ayaan ku idhi ma garanayo itixaada ee waa maxay? Markaasu igu yidhi waa muslimiin, muddo yar kadib ayuu wasiirku naga joojiyey Baabuurkii na rawixin jiray iyada oo aanay xaafada bas tegin oo aan xiliyada rawaxaada iska lugeyn jirnay, anaga oo sooman ayaa waxaanu shaqada gelijirnay 7:00 subaxnimo isaguna waxa uu soo shaqo tegi jiray 12:00 duhurnimo, markaas ayuu xafiiska nagu hayn jiray ilaa 3:00 galabnimo, markii soonkii socodkii nagu adkaaday ayaanu u galnay wasiirka warfaafinta Maalin Ramadaana, waxaanu weydiisanay inuu nasiiyo Baabuur narawixiyaa, waxa uu igu yidhi ‘Inan ayaad tahay, waxa magaalada Maraya ee Baabuurta wataa waa rag ee intaad gacanta u taagto Baabuurtu ha idin-qaadaan, Adiguna tilifoon Number-kaaga u qor”Ayey tidhi Saynab

 

Maaha markii ugu horeysay ee wasiirka wasaarada warfaafintii Axmed Xaaji Daahir uu shaqaalaha wasaarada ka hawlgala shaqada ay ka hayan ka caydhiyo, bilaa sabab, lama garanayo waxa shaqaalaha wasaarada ku diray wasiirka, arrintan ayaa noqotay mid aad suuqayada magaalada Hareysa looga hadal hayey oo dadku falanqeynayeen.

 

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwnaagnews.com/Haregysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Axmed Siilaanyo Oo Canaan Kulul Usoo Jeediyay Xukuumada Riyaale

 

(Hargeisa}10.11-6

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku tilmaamay arrin laga fajaco oo aan laga filayn qof muslim, xilna ka haya dal Islaam ah in uu shaqaalihiisa ku yidhaahdo; "Haddii aydaan xijaabka iska dhigayn Wasaaradda Warfaafinta ka shaqayn maysaan."

 

Hadalkan oo uu Axmed-Siilaanyo ku sheegay waraysi uu shalay la yeeshay telefishanka madaxbannaan ee SLTV, waxa uu ku daba-socday tallaabo ay Wasiirka Warfaafinta ku eedeeyeen laba gabdhood oo ka tirsan shaqaalaha Radio Hargeysa, kuwaas oo sheegay in wasiirku shaqada kaga eryey qaadashada xijaabka iyo niqaamka haweenka muslimka ah.

 

Guddoomiye Siilaanyo, oo tilmaamayey miisaanka arrintani ku leedahay dal ummaddiisu muslim tahay, isla markaana lagaga dhaqmo shareecada diinta islaamka ay ay tahay, "Wax aan laga filayn in uu ku yidhaahdo dad muslim ah oo Soomaali ah."

 

Axmed-Siilaanyo, oo tafaasiil ka bixinayey arrinta lagu eedeeyey Wasiirka, kaas oo uu sheegay in aanay jirin cid u geysatay xukuumadda Madaxweyne Rayaale dhibaatooyinka iyo mushkiladaha uu ku keenay, isla markaana aanay habboonayn in Madaxweyne bulshada masuul uga dhigo ashkhaasta dhaqamadaas leh,

 

"Waayo," ayuu yidhi; "ninkii kunka jeer dhibaatooyinka soo gaadhsiiyey dawladda iyo maamulka Rayaale ee la ogaa. Sida iiga muuqata Ina Rayaale marmar baan is-idhaahdaa iyo sida uu u dhaqmayo garashadiisaa wax u dhiman yihiin. Balse, waar haddii aad ummadda xil u qabatay oo lagu xurmeeyey, xurmada bani'aadamku kaa mudan yahay ma garan wayday," ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

 

Widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this