Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Dilalkii ugu badnaa oo Bishii June ee 2018 ka dhacay Muqdisho (Tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii June  ee 2018 marti galisay dilalkii ugu badnaa oo dhaca tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dilalka bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo geystay Mas’uuliyiin, Saraakiil, Askar iyo Shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dharkiinley, Waaberi, Wartanabadda, Howlwadaag, Kaaraan iyo Xamarweyne ee Gobolka Banaadir kuwaa oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Kiiska dilalka dhacay Bishii June ee noo diiwaan gashan ayaa dhan 29 dil, waxaana xusid mudan inay jira dilal kale oo aan la diiwaan galin sida Tooreeyo leysku dilay.

HOOS KA AKHRISO DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHII  JUNE  2018

1- June 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada xili uu ku sugnaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan Suuqa bakaaraha.

2- June 2, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Suuqa bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan Bosteejadda Baydhabo ku dilay Askari ka tirsanaa Booliska oo ku guda jiray shaqo maalmeedkiisa.

3- Jun 2, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa darawal gaari BL ah ku dilay degmada Kaaraan kadib markii ay murmeen.

4- Jun 2, 2018, Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa agagaarka Isgoyska Tarabuunka ku dilay Gabar Magaceeda lagu sheegay Maandeeq Salaad oo arday aheyd.

5- Jun 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dilay ruux dhalinyaro ahaa.

6- Jun 3, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Yaaqshiid ku toogtay wiil kamid ahaa dhalinyarada xaafada oo la sheegay inuu la socon jiray dhalinyaro u shaqeyneysay Dowlada.

7- Jun 3, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Howlwadaag, gaar ahaan suuqa Bakaaraha ku dileyn Ruux la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada la shaqeysa Gaadiidka BL—ka ee ka shaqeeya Isgooska Bakaaraha.

8- Jun 3, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku khaarijiyay wiil dhalinyaro ahaa, kaa oo la sheegay inaanu xiriir la laheyn shaqo Dowladeed.

9- Jun 4, 2018, Waxaa xaafada Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir lagu gooracay mid kamid ah dadka deegaanka oo da’diisa lagu sheegay 30 Jir balse aan la helin magaciisa saxda ah.

10- Jun 4, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

11- Jun 4, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Waaxda Seddexaad ee Degmada Dharkiinley ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa Dowlada kadib markii uu diiday inuu dhigo Hub uu sitay.

12-Jun 5, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay nin lagu magacaabi jiray Macalin Daahir Cali Tifow oo kamid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

13– Jun 6, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa degmada Xamarweyne  si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

14- Jun 6, 2018,Dabley ku hubaysnaa bastoolado ayaa Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan xaaafadda Cali Shire ku dilay Nabadoon Xuseen Jimcaale Geedi oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanadii dalka soo maray.

15- Jun 7, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Oodweyne nawaaxiga Isbitaalka Kaamil ku dilay nin dhac bareera geysanaayay.

16- Jun 12, 2018, Askari ka tirsan dowlada Federaalka ayaa Wadada Warshadaha ee magalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano isgoyska EVECO ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ah.

17- Jun 13, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa ku dilay Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay), oo kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Sacabka ee Baarlamaanka Somalia.

18-Jun 13, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Degmada howlwadaag gaar ahaan xaafada Shanta geed ku dilay gudoomiyhii Waaxda Saqaawudiin ee Degmada Jabloos.

18- Jun 15, 2018, Askari ka tirsanaa ciidamada Xasilinta ayaa ku dhintay Miino ku Qaraxday xili uu ku sugnaa degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile.

19-Jun 18, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa Degmada Kaaraan ku dilay Cabdullaahi Jeyte oo kamid ahaa dhalinyarada deegaanka.

20-Jun 18, 2018,Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa si bareera Degmada kaaran ugu dilay Xasan Jeyte oo ay murmeen askariga.

21-Jun 18, 2018, Waxaa garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir lagu dilay Xuseen Jeyte oo ay wada murmeen askari ay qaraabo ahaayen.

22- Jun 19, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa NISA ayaa Askari kale ku dilay degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.Marxuumka la dilay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada.

23- Jun 26, 2018, Koox ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaafada Suuq Yaaraha ee degmada Xamar Jajab ku dilay nin ka mid ahaa Odayaasha degmada, kaasi oo si weyn looga garanayay degmada Xamar Jajab, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow.

24- June 27, 2018, Koox ku hubeysneed bastoolado ayaa Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ku dilay Xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho.

25- June 28, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogasho ku dilay ganacsade lahaa goob dharka lagu tolo oo ku taalla Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

26-Jun 29, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska afarta darjiin ee magaalada Muqdisho ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada.

27-Jun 29, 2018, Kooxo ku bubeysnaa bastoolada ayaa eeryada Isgoyska afarta darjiin ee Gobolka Banaadir ku dilay qof la sheegay inuu kamid ahaa ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Militeriga ee XD.

28- June 30, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ku dilay Cabdirashiid Daahir Xasan oo ahaa wiil dhalinyar ah.

29- Jun 30, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Dharkenley ee G/Banaadir ku diley Nabadoon Ibraahin Cali Xasan oo kamid ahaa ergadii Magaalada Baydhabo kusoo dooratay xildhibaanada BFS.

Dilalka dhacay bishii June ee 2018 ayaa noqonaaya dilal badankiisa loo geystay dad u shaqeeya dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this