Sign in to follow this  
Deeq A.

Qalbi Dhagax” Xarigeeyga waxaa ka dambeeysay Dowlada Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdi Kariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan laga sii daayay xabsi ku yaala Dalka Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay cida Itoobiya u gacan galisay.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay i gacan galisay Itoobiya isaga oo sheegay in Ha’ada NISA ay ka soo qabatay Magaalada Gaalkacyo iyaga oo ku xiray Godka Jilicoow.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wax ka ogaa Xirintaankaasi iyo gacan u galintiisa Itoobiya.

“Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen,mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen” ayuu yiri Qalbi dhagax.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Ra’isilwasaare Itoobiya ay sabab u aheyd in la sii daayay isaga oo sheegay in aanay jirin cid kale oo sii deeyntiisa ka dambeeysay.

Dhowaan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in codsi ay u dirtay Ra’isilwasaare Itoobiya

Hoos ka Dhageyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/07/COd-C.kariim-Sheeq-Muuse-Qalbi-Dhagax.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Qalbi Dhagax” Xarigeeyga waxaa ka dambeeysay Dowlada Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this