Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo banaanka soo dhigay labada jiho ee aadka uga soo horjeeda isbedelka dalka (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka digay in qeybaha mucaaradka lagu fiirsado dhibaatooyinka ay u maleegayaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay jiraan dhagaro ay dalka u maleegayaan mucaaradka waxa uuna tilmaamay inay khalad tahay in dadka shacabka ah ay marqaati ka noqdaan burburinta dalka.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in dhagarta mucaaradka ay tahay mid ku saleysan burburinta dalka iyo in Somalia laga saaro qaarada Africa, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga gaashaanto kuwa ku sifoobay burburinta Somalia iyo is hortaaga hanaqaadkeeda.

“Shacabku waa inuu noqdaa kuwo u taagan difaacashada dalkooda, Somalia waad la soctaan in mudada ay burbursaneed laga masaxay aduunka, waa inaan iminka garanaa waxa noo dan ah, maaha inaan u daneyno shaqsi gaara iyo danihiisa’’

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah uu uga digaayo inay ku kadsooman Sida Mucaaradka iyo Al-Shabaab oo ay ka go’an tahay in Somalia ay ka hirgaliyaan keliya wixii rabitaankooda ah.

“Dadku waa inay kala furan indhahooda oo ay ogaadan waxa u wanaagsan, dalkaan waxaa caqabad ku ah laba jiho oo kala ah mucaarad iyo xagjir, waa inaanu ka shaqeynaa sida aan uga ilaashan laheynay dalkeena’’

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in dhinacyada Al-Shabaab iyo Mucaaradka ay ka mideysan yihiin carqaladeynta dalka , waxa uuna cod dheer ku sheegay inay soo dhaweynayaan mucaarad dhisaaya dalkiisa isla markaana jeedinaaya dhaliil ka fog qalqal amni.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili la quusiyay awoodaha mucaaradka iyo Al-Shabaab, inkastoo ay weli jiraan dhagaro ay maleegayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this