Sign in to follow this  
Deeq A.

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: KAALIYAHA LUUQADDA EE GOOBTA

Recommended Posts

Deeq A.   

UNSOM-1.png?resize=406%2C338

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA

(UNSOM)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                     24 JULY 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                 25 JUNE 2018

MAGACA JEGADA:                                               KAALIYAHA LUUQADDA EE GOOBTA

HEERKA:                                                                     GL-5  

QAYBTA:                                                                    GUDDIGA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO DHEXDHEXAADINTA

GOOBTA:                                                                    BELETWEYNE

MUDDADA HESHIISKA:                                            HAL (1) SANO OO GO’AN             

LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN:     UNSOM/PAMG/030/2018/SM

Warbixin Gaar ah:

Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Shakhsiga booskan codsanaya ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka daneynaya shaqadan waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan ka hor inta aan la gaarin taarikhda kama dambeysta ah ee xayeysiinta ku xusan.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta:

Booskan waa boos ka bannaan Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Beledweyne. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doona Madaxa Xafiiska.

Mas’uuliyadaha:

Kaaliyaha Luuqadda ee Goobta waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda:

  • In uu turjumaad af ah oo waadax ah isla markana kooban uu u fidiyo mas’uuliyiinta hay’adda iyo bulshada maxalliga ah, iyada oo taasi lagu taageerayo hawlgallada iyo hawlaha guud ee hay’adda.
  • In uu dukumiintiyo iyo xiriir heer sare ah oo ku saabsan mowduucyo kala duwan ee la xiriira arrimaha ay ku lug leedahay Qaramada Midoobay u kala fasiro luuqadaha Af-Soomaaliga iyo Ingiriiska.
  • In uu kala kaashado dhiggiisa ka tirsan waaxyada kale arrimaha la xiriira diyaarinta jadwalka iyo qorshayaasha maamul. .
  • In uu si dhow ula socdo wararka ka baxaya Warbaahinta uuna ogeysiiyo Kormeerayaasha iyo asxaabta kale macluumaadka muhiimka ah ee habboon.
  • In uu waraaqo u diyaariyo Kormeeraha.
  • In uu mas’uuliyiinta ka caawiyo diyaarinta qabyo qoraallo, qoraallo kooban iyo macluumaad kooban iyo macluumaad ku saabsan dalka.
  • In uu fayl gareeyo, uuna soo saaro dukumiintiyada xafiiska.
  • In uu qabto waajibaadyada kale, oo ay ka mid yihiin wadista baabuurta xafiiska, markii loo baahdo.

Kartida:

Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura.

Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Wada-Shaqayn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Aqoonta:

Waxbarasho:    Shahaaddada dugsiga sare ayaa loo baahan yahay.  Waxaa loo baahan yahay in uu qofka awoodo in uu shaqeeyo kaddib wakhtiga shaqada, fasaxa dhammaadka toddobaadka iyo kaddib qofka tookadiisa shaqo. In uu awoodo in uu u safro goobaha ay hay’addu hawlaha ka waddo, iyo in marba meel la geeyo.

Khibrad:              Ugu yaraan afar (04) oo uu qofka khibrad shaqo ka haysta bixinta adeegyada turjumidda/fasirka.

Luuqad:               Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga. Aqoonta luuqadaha kale ee Qaramada Midoobay waa mid wax tar leh.

Habka Qiimeynta:  Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida.

Macluumaad Dheeraad ah:

Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 24, Luulyo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CV) lama aqbali doono.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Magaa Jegada ka dhig cinwaanka email-ka.

Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P11, Shahaaddada, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ay qayb ka yihiin codsigaaga waxaana loogu talagalay in lagu qiimeeyo in aad shaqada u qalantid. Fadlan la soco in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this