Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo ka hadashay sii deyntii Qalbi-dhagax iyo heshiiskii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixisay sii deeynta Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo kamid ah ururka ONLFoo bishii Agoosto ee sanadkii hore dowladda Soomaaliya u gacan galisay.

Danjiraha Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in codsi ka yimid dowlada Soomaaliya lagu sii daayay Qalbi-hagax.

Jamaaludiin ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalbi-dhagax, isaga oo sheegay in ugu dambeyntii dowlada Itoobiya ay ku sii deysay Qalbi-dhagax codsi ka yimid dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa ka hadlay hadal bulshada Soomaaliyeed ay aad u hadal heysay oo ka soo yeeray Ra’iisil wasaare Abiy oo ku aadanaa in la mideynayo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Jamaaludiin ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid laga bad badiyay islamarkaasina aanay jirin in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku biirayaan.

“Waxba kama jiraan hadallada been abuurka ah ee sheegaya in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu yiri waxaa la mideynaya labada dal, waxa la mideynaya waa dhaqaalaha labada dowladdood, taasna Midowga Yurub, Midowga Africa iyo waddamada horumaray ayaa ku dhaqma, cadowgeenna waa faqriga iyo gaajada waana in aan si wadajir ah ula dagaallamaan labada dal”. ayuu yiri Danjire Jamaaludiin.

Dhowaan Dowlada Itoobiya ayaa sii deysay Qalbi-dhagax oo ay Dowlada Soomaaliya u gacan galisay mana jirto cadeymo rasmi ah oo muujinaya in Dowlada Soomaaliya ay ka qeyb ka qaadatay sii deeynta Qalbi-dhagax, isagoo dad siyaasad falaanqeeyaa ay aaminsan yihiin in lagu sii daayay isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Itoobiya oo ka hadashay sii deyntii Qalbi-dhagax iyo heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this