Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegeyso)-XEER ILAALIYAHA GUUD EE PUNTLAND OO AMAR KU BIXIYEY IN LASOO QABTO XISAABIYIHII HORE EE GOBALKA MUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo maantay xafiiskiisa saxaafada kula hadlay ayaa amar ku bixiyey in la soo qabto Xisaabiyihii hore ee Gobalka Mudug  Barkhadle Aadan Muuse.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey xisaabiyihi hore ee gobalka Mudug Barkhadle Aadan Muuse inuu lunsaday hanta dowladeed oo ay kamid yihiin mushaaraadkii shaqaalaha iyo Ciidanka Puntland ee Gobalka Mudug.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Xisaabiyihii hore ee Gobalka Mudug uu baxsaday waxaana uu ka codsaday dowladda Federalka iyo Dowlad Gobaleedyada inay u soo gacan galiyaan Puntland hadii ay arkaan Barkhadle Aadan Muuse.

Halkaan Hoose Ka Dhegeyso Shirka Jaraa,id ee xeer ilaaliyaha.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/xeer-ilaaliyaha-guud-ee-Puntland-Maxamuud-Aw-Cismaan.mp3

The post (Dhegeyso)-XEER ILAALIYAHA GUUD EE PUNTLAND OO AMAR KU BIXIYEY IN LASOO QABTO XISAABIYIHII HORE EE GOBALKA MUDUG appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this