Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose iyo Masuuliyiin kale oo Qarax lagu Dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Muqdisho ayaa waxa ay Sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay Qarax Miino.

Qaraxaasi ayaa waxaa la la eegtay Masuuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sh/hoose iyo Xubno kale oo katirsan Maamulka Degmooyinka Gobolka Sh/Hoose.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sh/hoose oo dhowaan loo soo magacaabay Maxamed Ibraahim Barre iyo Gudoomiyaha Deegaanka Ceelasha Biyaha Ayaan Xasan.

Masuuliyiinta ayaa ka baxay Muqdisho iyaga oo ku sii jeeday Gobolka Sh/hoose waxaana masuuliyiinta la socday Wariyaal.

Dhaawaca masuuliyiinta ayaa waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose iyo Masuuliyiin kale oo Qarax lagu Dhaawacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this