Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda xasaradaha adduunka oo ka digtay dagaalka ka qarxa Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin ay qortay hay’adda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group (ICG) ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo dagaal mar kale ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland oo isku haya gacan ku haynta gobolka Sool.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hogaamiyaasha labada maamul ay sare u qaadeen lahjadooda dagaal iyo hadalada xanafta leh ee ay hawada isku marinayaan isla markaana isku dayo dhinaca waan waanta ah ay guuldreysteen.

Warbixnta ayaa lagu sheegay in ismari waaga u dhexeeya labada dhinac hadda uu marayo heerkii ugu xumaa abid, kadib markii labada maamul ay ciidamo hor leh ku soo daabuleen meel u dhow deegaanka Tukaraq oo ah goob istiraatiiji ah oo furin u ah dagaalka.

Dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland ayaa warbixinta lagu sheegay in uu yeelan doono cawaaqib xumo ku timaada dhinaca Waqooyi, sidoo kalena daganaanshiyo la’aan u keenta gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dagaal dhexmara labada dhinac ayay ICG warbixinteeda ku sheetay in ay fursad u noqon karto ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaat, kuwaas oo khalkhal gelin kara amniga Puntland.

Hogaamiyaasha Afriga, kuwa reer galbeedka, hawlgalka AMISOM, Itoobiya, Imaaraadka iyo deeq bixiyayaasha caalamka ayay warbxintu sheegtay in ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo wax looga iska hor imaadka labada dhinac.

Warbixinta ayaa qortay in ilaa sanadkii 1998 ay Puntland iyo Somaliland ay ku dadaalayeen gacan ku haynta gobolada Sool iyo Sanaag, labadaas gobol oo sameeya dhul teedsan  laga soo bilaabo gacanka cadmeed ilaa iyo xuduudka Itoobiya, ilaa iyo xiligaas sanadka 2018 ayaaa noqday kii gacan ka hadalkii ugu badnaa uu labada dhinac dhexmaray.

Warbixinta ayaa sheegay in dagaal dhaca oo daba dheeraada uu labada dhinacba khasaare u keenayo, waxa uuna keeni karaa barakax baahsan taas oo uga sii dareysa xaalada bini’aadnimo ee Soomaaliya ka jirta.

Dhinica Puntland ayay warbixintu shgeegtay in ay u nugushahay dagaal daba dheeraada oo ay Somaliland la gasho, ciidankeeda ayay warbixintu sheegtay in ay baahayaan marka la eego dagaalada kaga socda buuraleyda Galgala iyo meelaha kale ay joogaan Daacish.

Sidoo kale warbixinta ayaa sheegay in Somaliland dagaal ay la gasho Puntland ay dhaawici karo sumcadii ay ku la hayd in ay tahay deegaan xisiloon, taageerada deeg bixiyayaasha ee dhinica hormarinta ee Somaliand ayay warbixintu sheegtay in shardi looga dhigo in khilaafyada soo baxa ay xakameyso, sidoo kale dagaal ay ku gasho Somaliland gobolada Sool iyo Sanaag ayay warbixintu sheegtay  in ay dhaawac u geysnayso sumcadii ay ku la hayd dadlaka dibada.

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay in dagaal la galaa uu labada dhinac khasaaro badan u keenayo, dhinaca Somaliland ayay warbixintu sheegtay in sumcadeedu dhaawacmeyso, halka Puntlandna ay sheegtay in ay majo xaabinayso dadaaladii laga hor tagayay Al-shabaab iyo kooxda yar ee khatarta badan ee Daacish.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda xasaradaha adduunka oo ka digtay dagaalka ka qarxa Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this