Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro cusub: Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo la sheegay in la sii daayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa la sheegay inay sii daysay Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi Dhagax oo Sanadkii 2017-kii laga dhoofiyay Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay u gacan-gelisay dowladda Ethiopia.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cabdikariin Qalbi Dhagax uu hadda helay xoriyaddiisa uuna la midoobay qoyskiisa.

Sii daynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddiga xuquuqda aadanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo gurigiisa ku booqday, kuwaas oo sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana waqti la qaadanayo qoyskiisa. Si kastaba, way adag tahay in si kale arrintan loo xaqiijiyo.

Sii daynta Qalbi-Dhagax ayaa waxaa si rasmi ah loo xaqiijin karaa kaliya marka isaga uu hadlo, balse arrintan ayaa si aad ah maanta looga hadal hayaa Soomaaliya, iyo baraha bulshada Soomaalida ay isku arkaan.

Tallabada lagu sii daayey Qalbidhagax ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka uu wado ra’iisul wasarae Abiy Ahmed, uuna ku doonayo inuu ku kasbado bulshooyinka kala duwan ee Itoobiya, isaga oo horey usii daayey rag badan oo mucaaradka qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ka mid ah.

dhagax.png?resize=683%2C774&ssl=1dg.png?resize=691%2C771&ssl=1sss.png?resize=688%2C833&ssl=1

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this