Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kheyre oo wada qorsho cusub oo lidi ku ah Taliyayaasha Hay’adaha amaanka (Muxuu yahay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (CaasimadaOnline)-War goordhow naga soo gaaray Xafiiska R’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qorsho lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo Taliyayaasha  Hay’adaha amniga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Taliyayaasha qaar lagu sameyn doono xil ka qaadis, halka qaarna ay sii heyn doonaan xilka ay u hayaan Qaranka.

Taliyayaasha weyn doona xilkooda ayaa waxaa booskooda lagu buuxin doonaa Taliyayaal kale oo la sheegay inay khibrad u leeyihiin howlaha amni ee dalka kuwaa oo muddo fog lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee burburtay.

Illo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheega in Taliyaha Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad lagu helay isdabamarin dhanka gaadiidka iyo qalabka Booliska, halka taliyaha ciidamada Nabadsugida lagu eedeeyay howl gudasho la’aan dhanka shaqooyinka, sida aan xogta ku heleyno.

Xogta ayaa intaa kusii dareysa in Taliyayaashasi ay si wada jira iyo si gaargaar ahba ula kulmeen Ra’isul wasaare Kheyre hase yeeshee ay isku fahmi waayen kulamadooda.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegay in labadaasi Taliyayaal uu ka dhadhamiyay u jaleecida dhinacyada mucaaradka iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee taageerada u ah Xisbiyada kasoo horjeeda Siyaasada dowlada.

Si kastaba ha ahaatee,waxaan la saadalinkarin xiliga rasmiga oo uu dhaqan gali doono qorshahaani, waxaase jira in Kheyre uu iminkaba kulamo kala duwan la qaato Jeneraalo horay usoo shaqeeyay kuwaa oo laga soo dhex xuli doono Taliyayaasha imaan doona.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this