Sign in to follow this  
Deeq A.

220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaanka Al Shabaab markii hore wuxuu ku dhisnaa in meesha laga saaro qabiilka sidoo kalena bulshada Soomaaliyeed la mideeyo sidoo kalena gabi ahaanba hogaamiyaasha qabiilada la ciribtiro.

Laakiin Al Shabaab si dhaqsi ah waxay ku ogaadeen in sida Soomaalida daacad ugu tahay qabiilka aad u qoto dheer tahay sidaa darteed aragtidii hore oo ay qabiilada ka qabeen wey badaleen.

Kadib Al Shabaab waxay bilaabeen inay kaaba qabiilada qaar soo dhaweestaan ayagoo hadafkooda ahaa inay danahooda gaarka ah ku fulistaan laakiin markii dambe fikrada Shabaabka gudihiisa ayay saameyn ku yeesheen hogaamiyaasha qabiilada.

Waxayna Shabaab kaga faa’iideestaan soo dhaweynta ay qabiilada soo dhaweesteen hogaamiyaashooda inay askar ku helaan iyo dhul ay maamulaan si toos ama si dadban.

Al -Shabaab si xeelad ku dheehan ayay duqowda qabiilada u adeegsadaan si ay shacabka ku maamulaan, canshuurta ku aruursadaan, hubka ku helaan sidoo kalena muranada bulshada ka dhex jiraan wey xaliyaan.

Qaybta Shabaabka u qaabilsan la shaqeynta iyo maamulida kaaba qabiilada waxaa u xil saaran Hussein Ali Fidow wuxuuna kursi ku leeyahay gudiga fulinta iyo tala soo jeedinta Shabaabka sar sare.

Kaliya kaabada qabiilada qaar ee Shabaab u dhaga nugul ayaa lagu daray golaha sare ee Hussein Ali Fidow la shaqeeyaan taasi oo ka dhigan in Shabaabka si siman qabiilada ula dhaqmin.

Sidoo kale qabiilada qaar ayaa lagu badiyaa maamulida gobolada qaar si loo caburiyo qabiilada aan la dhacsaneyn maamulka iyo siyaasada Shabaabka.

Shabaabka si isku mid ah oo cadaalad ah ulama dhaqmaan qabiilada tusaale ahaan dhamaan qabiilada kale Shabaab waxay ku qasabtaa oo ay amar kaga dhigtaa inay ciidamo Shabaab siiyaan haddii kale shareecada waxa ay ka qabto lagu qaadayo, balse qabiilka Habargidir/Mogadishu Clan ee gobolka Mudug dagaan amarka Shabaab lama dul dhigin.

Sidoo kalena ciidanka qarsoon ee dharka cad Amniyaat ee Shabaab u qaabilsan dilalka qarsheesan iyo kuwa gaadmada ah hawl galo yar ayay ka fuliyaan dhulalka Habargidir dagaan.

Sababtana waxay tahay in Shabaabka gobolada Habargidir dagaan ay aad ugu yar yihiin awood ahaan sidaa darteed haatan Shabaab waxay wadaan qorshe ay xiriir wanaagsan uga dhex abuuranayaan kaaba qabiilada deeganadaas.

Balse midaas waxay sababtay in kalsooni daro dhex imaado hogaamiyaasha Shabaab iyo xubnaha sare sare, weliba taasi waxaa banaanka soo dhigay sarkaalkii hore Shabaab uga talin jiray Jubada dhexe oo cadeeyay in qabiilka Darood lagu dulmiyay magaalada Kunyabarow kadib markii 19-maxbuus ah uu hayay 16-ka mid ah la ogaaday inay Daarood yihiin.

Sidoo kale hogaamiye kale oo Amniyaat-ka ka tirsanaa isagana wuxuu sheegay in Guruubkaas uu isaga baxay kadib markii uu ogaaday garbaha ugu muhiimsan Amniyaat la wareegeen qabiilada Murusade, Habargidir, iyo Duduble.

Haddaba waxaan idiin bilaabeynaa Maanta musalsal ka kooban shan qeyb taasoo aan uga hadli doono sida ay qeybaha ay Al-Shabaab ka kooban tahay loogu  qeybiyey beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna musalsalka ka koobnaan doonaa Shantaan qeyb ee hoos kaaga muuqato:

  • Sida ay beelaha u qeybsadeen 220 Mas’uul ee ugu sareyso
  • Sida ay beelaha u qeybadeen 10 xubin ee Golaha Shuurada Shabaab
  • Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Amniyaadka
  • Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda

Qeybta Koowaad:

Sida ay beelaha u qeybsadeen 220 Mas’uul ee ugu sarreeya

Waxaa muuqato in Beesha Mogadishu Clan ay ugu badan tahay Liiska 220 Mas’uul ee ugu sareyso Al-Shabaab qeybaha kala duwan  haddii ay ahaan laheyd  – Heer Maamul, Heer Degmo – Heer Gobol iyo heer madax sare, waxaana liiskaan dhammaan kasoo muuqday beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed.

Beelaha kasoo muuqday liiskaan ayaa xataa waxaa ku jiro kuwa dago gelinka Shanaad ee Itoobiya Maamusho iyo kuwa dago deegaanada Woqooyi Bari Kenya.

Hey’adaha amaanka waxaa si buuxda gacanta ugu hayo xubno kasoo jeedo Beesha Mogadishu Clan, waxaana  xusid mudan in beelaha kale qeyb laga siiyey jagooyinka hogaamineed si loo ilaaliyo muuqaalka tilmaamayo inay Shabaab ku wada jiraan beelaha dhan.

Haddaba halkaan hoose ka arag sawirkaan muujinayo sida beelaha u qeybsadeen 220 Mas’uul ee ugu sareyso ee ugu sareyso Shabaab.

official.jpg?resize=599%2C458&ssl=1

La soco qeybta xigta oo aan berri Inshaa Allah kusoo qaadan doono: Sida ay beelaha u qeybadeen 10 xubin ee Golaha Shuurada Shabaab

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this