Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo war cad ka soo saartay geerida lagu sheegay hogaamiyahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay inuu geeriyooday hoggaamiyihii kooxdaas, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu caafimaad qabo Axmed Diiriye Abu Cubayda, kuna howlan yahay gudashada shaqadiisa.

“Warka kasoo yeeray kooxda Farmaajo ee ku aaddan in uu geeriyooday Sheekh Abu Cubayda ama uu xanuunsan yahay waa waxba kama jiraan, waxaa lagu qarinayaa afartii dekadood ee Ethiopia la siiyey” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab oo lasoo dhigay shabakad taageersan kooxdaas.

“Sheekh Abu Cubayda wuu noolyahay, wuuna caafimaad qabaa, waqtigii uu Allaah u qoray ayuuna dhiman doonaa, inta ka horeysana wuxuu cadowga Allaah ka hortaagnaan doonaa inay ajandayaashooda gurracan ka hirgeliyaan dhulka Soomaaliyeed ee Muslimka ah” ayay tiri al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga u sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kilyaha ah.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Abu Cubeyda uu ku geeriyooday meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya galabnimadi Isniintii aanu soo dhaafnay taariikhdana ku beegneyd 25-ka bishan June.

Ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya geerida Axmed Diiriye oo kasoo baxay xagjiriinta Somalia ee Al-Shabab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this