Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Mohamed Mursal Sheikh oo booqasho Ku Jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

Kulanka labadda Mas’uul ayaa loogu hadlay  Xiriirka Labada dal Iyo Iskaashiga Caalimiga.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Geelle ayaa sheegay in Dowladiisa ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay soo dhaweynayso hormarka ay gaartay mudadii ay jirtay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Booqasho Labo Maalin ah ku Joogo Wadanka Jabuuti isaga oo la kulmay dhigiisa dalkaas iyo Raisulwasaaraha Jabuuti Cabduqadir Kaamil Maxamed.

1-14.jpg?resize=720%2C540 2-6.jpg?resize=720%2C540 3-8.jpg?resize=720%2C480 4-6.jpg?resize=720%2C480 5-3.jpg?resize=720%2C480

 

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this