Deeq A. Posted June 25, 2018 Guushii Erdogan Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay madaxweynaha dalka Turkiga doorashadii ka dhacday Axadii dalkaas, kadib markii uu helay codad ka badan boqolkiiba 52, codadkii la tiriyay oo ahaa boqolkiiba 99. Madaxweyne Erdogan waxaa la tartamay Muharrem Ince oo hogaamiya xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaas ee CHP, wuxuuna helay codad gaaraya boqolkiiba 30.7, codadkii la tirayay, wuxuuna xisbigaas ku andacooday in ay doorarashada ka jirtay codad lagu shubtay iyo wax is badabarin. Erdogan oo khudbadii guusha ka jeediyay magaalada Ankara ayaa sheegay in uu talaabo adag ka qaadi doono wax uu ku sheegay argagaxisada, sidoo kale waxa uu balanqaaday ajandihiisa in uu fulin doono. Xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa ku guulaystay Afti dastuurka wax looga badalayey oo ka dhacday dalkaas 16 April, 2017, iyagoo helay boqolkiiba 51.37 codadkii la dhiibtay. Dastuurka cusub Turkiga ee xiligaas la aftida loo qaaday ayaa madaxweyne Erdogan siinaya awoodo dheera oo ay kamid yihiin in uu magacaabo madaxweyne ku xigeenada, wasiirada iyo saraakiisha ciidamada, in uu faragalin ku samayn karo waaxda cadaalada dalka, xaalad deg deg ah oo uu dalka ku soo rogi karo iyo in meesha laga saaray xilka ra’iisal wasaaraha. Waa kuma madaxweyne Erdogan? Recep Tayyip Erdogan waxa uu ku dhashay magaalada Istanbul 26 February, 1954, waana madaxweynihii 13-aad ee Turkiga, intii u dhexeysay 1994 iyo 1998 waxa uu ahaa duqa magaalada Istanbul, 2003 ilaa 2014 waxa uu ahaa ra’iisul wasaarihii 36-aad ee Turkiga. Recep Tayyip Erdogan Erdogan waxa uu soo noqday ciyaartoy, isagoo u ciyaari jiray kooxda Kasimpasa ee dalkaas mudadii u dhexeysay 1969 ilaa 1982, kahor intii aan loo dooran duqa Istanbul. Mr. Erdogan sanadkii 2001 wuxuu aasaasay xisbiga cadaaladda iyo horumarinta AKP, kaas oo afar jeer oo is xigta ku guuleystay doorashooyinkii guud ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2002, 2007, 2011 iyo 2018. Erdogan waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna yaraantiisii ka soo jeeday qoys sabool ah. Sanadkii 2003 markii uu noqday ra’iisul wasaaraha Turkiga Mr. Erdogan waxa uu ka shaqeeyay in dalkaasi gaaro deganaansho siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, wuxuuna la heshiiyay dalka Armenia kadib cadowtooyo sanado badan soo jirtay, sidoo kale wuxuu xiriir wanaagsan la yeeshay Greece (Giriigga), Azarbejan iyo jamhuuriyaadkii hore ee Soviet-ka, wuxuu kaloo soo celiyay xiriirkii Turkiga kala dhexeeyay dalalka Carabta. Racep Tayyip Erdogan waxa uu mowqif adag ka taagan yahay duulaanka ay Israel ku hayso dhulka reer Falastiin iyo magaalada barakeysan ee Qudus. July 16, 2016 waxaa fashilmay inqilaab Milateri oo la doonaayay in lagula wareega dalka Turki, iyagoo meesha ka saaraayo dawlada madaxweyne Erdogan, waxaana falkaas ka dhashay in Erdogan uu gacan bir ah ku qabto dalkaas . Guusha Erdogan maxay uga dhigan tahay Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda ayaa il gaar ah ku hayay doorashada Tukiga, iyagoo kala socday shaashadaha tabinayay doorashada, waxayna taageero weyn u hayeen Racep Tayyip Erdogan oo taariikh lama ilaawaan ah ku leh Soomaaliya. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu guuleystay Erdogan u dirtay hambalyo ka duwan kuwo loo diro madaxda caalamka ee la doorto, halka shacabka Soomaaliyeedna ay baraha bulshada aad uga hambalyeynayeen Mr. Erdogan, iyagooba qaarkood ay si toos ah natiijada cod-tirinta u soo dhigayeen baraha bulshada ,kuwaas oo ku faraxsanaa hogaaminta codadka ee Erdogan, waxayna shacabka Soomaaliyeed qabaan in Erdogan uu yahay Madaxweynahooda labaad. August, 2011 Erdogan ayaa markii ugu horeysay isagoo ra’iisul waasaaraha Turkiga ah booqasho ku yimid Soomaaliya, markaas oo ay ku dhufatay macluushii ugu xumayd gobolka muddo 60 sano ah, isagoo indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya oo sanado badan laga aaminsanaa khatar. August, 2011, booqashadii Erdogan ee Muqdsiho Erdogan waxa uu ballan qaaday in dowladiisu Soomaaliya ka fulin doonto mashaariic horumarineed, taas oo uu ka dhabeeyay, wuxuuna muddo yar Muqdisho ka hirgaliayay, jidad, isbitaallo, iskuullo, dib u habayn lagu sameeyay garoonka iyo dekadda Muqdisho iyo fulinta howlo dhanka bani’aadminimada ah oo aan marnaba joogsan. Mar labaad Erdogan oo madaxweynaha Turkiga ah ayaa Soomaaliya booqday January 25, 2015, isagoo xariga ka jray dhisme cusub oo lagu kordhiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyo Isbitaalkii Digfeer oo dhisme casri ah laga dhigay. January 25, 2015, Erdogan, xarig ka jarkii garoonka Muqdsiho Mar saddexaad Erdogan oo madaxweyne ah ayaa Muqdsho booqday June 3, 2016, wuxuuna furay dhimaha safaarada Turkiga iyo mashaariic kale oo hay’adaha Turkiga ka hirgelinayaan Soomaaliya, sidoo kale marar badan waxaa Soomaaliya booqday madax badan oo Turki ah. June 3, 2016, xarig ka jarkii safaarada Turkiga ee Muqdisho Turkiga ayaa Muqdisho ku leh safaaraaradiisa ugu weyn ee caalamka iyo saldhig ciidan oo ah kan ugu weyn oo dalkaas ka baxsan, wuxuuna Turkigu Soomaaliya ka taageeraa dhinacyada amniga, kabida miisaaniyada iyo arimaha bulshada. Saldhiga ciidan Turkiga ee Muqdsho ayaa loo adeegsanaa akadeemiyad ciidan, iyadoo ay joogaan in ka badan 200 oo sarkaal oo Turkish oo tabarbara ciidamada Soomaaliya, waxaana xukuumadda Ankara ay ka caawisaa Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa ciidan Qaran oo awood u leh la dagaalanka Al-shabaab iyo hanashada amniga guud ee Soomaaiya. Dowladda iyo shacabka Turkiga ayaa taageero walaaltino oo ka duwan mida kale ee caalamka mar walba la garab taagan Soomaaliya, sidaas darteed shacabka Soomaliyeed waxay u arkaan Turkiga mid uga duwan dunida inteeda kale. Guusha madaxweyne Erdogan-na waxay uga dhigan tahay Soomaaliya, mid lamid ah tan uu gaaray xisbiga AKP ee Turkiga. Liban Yusuf PUNTLAND POST The post Guusha Erdogan maxay uga dhigan tahay Soomaaliya? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites