Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabab iyo Jubaland oo qeybsanaya canshuurta dekadda Kismaayo, sababta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Sanakaan 2018 ayaa waxaa kor u kacay dhaqaala Al-shabaab ay ka heli jireen Dekadda Kismaanyo kadib markii maamulka Jubbalan uu dib u bilaabay dhoofinta dhuxasha oo ay horey Al-shabaab iyo Jubbaland isla afgarten in ay kawada macaashaan.

Al-shabaab oo intii ay gacantooda ka maqneed furdada Kismaayo dhaqaalihii ugu badnaa ka sameeyay Dekadda Kismaayo 2013 iyo 2014 ayaa haddana sanadkaan waxa dib ugu soo laabtay ishoodii dhaqaale, waxaana hadda ku xiran Dekadda Kismaayo 24 doomood oo u diyaarsan in ay dhuxul ka qaadaan halkaas, iyada oo loo iib geynayo waddamada carbeed sida Imaaraatka.

Dadka degaanka ah oo ku sugan gudaha Jubbaland ayaa sheegay in degaanada Shabaab maamulaan ay u fasaxeen in dhuxusha la gubi karo, waxaana isbuucan gudihiisa ka baxay Magaaladda Kismaayo 100 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo dhuxusha kasoo qaadaya degmooyinka ka maqan gacanta Jubbaland.

degmooyinka Jilib, Jammaame, Bu’aale, Saakow, Salagle iyo kuwo kale oo ay Kooxda Shabaab ay gacanta ku heyso ayaa hadda waxaa ka socda xaalufin badan oo dhirta lagu hayo.

2013 iyo 2014 ayay Al-shabaab ka macaasheen dekadda Kismaayo $250 milyan oo doolar oo kasoo xarootay dhuxul Jubbaland, Kenya iyo Shabaab ay ka dhoofiyeen Kismaayo sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada midoobay.

Markale 2018 ayay Alshabaab dhowr milyan oo kale ka faa’iidi doonaan dekadda Kismaayo, dadka shacabka ah ee ku nool Jubbaland gaar ahaan degaanada xaalufinta lagu hayo ayaa muujinaya cabasho badan.

Qaramada midoobay ayaa qaraar ay soosaartay 2012 waxa ay ku joojisay in dhuxul dambe laga dhoofiyo Soomaaliya, balse maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in wali uu ku sii adkeysanayo ka ganacsiga dhuxusha.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this