Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: FAYSAL Cali oo ka jawaabay qorshaha DF ee ka dhanka Somaliland!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Goobjoog ee ku taalla magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay go’aanka dowladda federaalka ah ee la xiriira qoondada Somaliland.

Feysal ayaa sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin hadalkii kasoo baxay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee ah in Somaliland aan si gaar ah loogala macaamilin deeqaha beesha caalamka.

Waxa uu sheegay Faysal in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada aanay iyagaba dalka maamulin, sidaasi darteedna aanay waxbo ka celinkarin.

Beesha caalamka ayuu sheegay inuu kala dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan, islamarkaana aanu ku go’i karin hadalka DFS iyo maamul goboleedyada.

Halkaan hoose ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/ENG-FAYSAL-CALI-WARAABE-24-06-2018.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this