Sign in to follow this  
Deeq A.

Askarigii Mareykanka ee ku baxay gacanta Al-Shabaab oo aan wali la aasin (Akhriso sababta)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Gaashandhiga dalka Mareykanka ayaa wada dadaal aas Militery loogu sameynaayo askarigii Maraykanka ahaa ee lagu dilay iska horimaadkii ay CXD iyo kuwa Maraykanka Al-shabaab kula galeen duleedka magaalladda Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in meydka askarigaasi uu weli yahay mid ku jira qaboojiyaha meydadka, balse iminka uu socdo qabanqaabada aaska.

Maydka Saddex Alifle Alexander W. Conrad ayaa la sheegay in la aasi doono bishan June 30-da.

Askariga aan wali loo sameyn aaska ee ku baxay gacanta Al-Shabaab ayaa la oran jirey saddex Alifle Alexander W. Conrad oo 26-jir ah waxa uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii Alshabaab ee bishan June 8-dii ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Sarkaalkan ayaa iminka xaqiijiyay in Askarta kale ee lagu dhaawacay iska hor imaadka laga soo qaaday Kenya isla markaana lagu dabiibaayo isbitaalka taliska guud ee AFRICOM ku leeyihiin dalka Jarmalka.

Dhinaca kale, taliyaha taliska guud ee AFRICOM, ayaa sheegay in aaska Saddex Alifle Alexander W. Conrad uu dhici doono kadib aar gudista dilkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this