Sign in to follow this  
Deeq A.

Damaca dalka ETHIOPIA ee QARNIYO jirsaday iyo badaheena Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dekedaha Soomaaliya Ethiopia badeeco ma kala soo degi kartaa, sida aduunyada ka dhacda ? Su’ashu sidaa ma ahan, su’ashu waxey tahay “Dekedaheena Ethiopia oo aan ognahay in ey dal iyo dad inaga heysato ma maal gashan kartaa?”

Jawaabta laga filan karo maskax saliim ah kuna dheehantahay aragti dheeri waa MAYA

Sababtu waxey tahay:-

1. Ethiopia waligeed waxey ku taameysay in ey Badda Soomaaliya qeyb ka hesho, waana taariikh soo jireen ah oo hogaamiye kastahi kan ka dambeeya ka dhaxlo. Waxey isku dayeen dhowr jeer in ey Wadamadii reer galbeedka ahaa ku xodxotaan Christaanimoda ey wadaagaan iyo go’doonka ey kaga jiraan ilbaxnimoda taas oo badankeedu dhulka xeebaha ku koobneyd. “Doofaar ma daahirsamo”.

2. Ethiopia waa Yahuuda bariga Africa, naqshada ay hada ku dooneyso in ey ku xalaaleysato dhulka Soomaaliyeed inta ka hartay ma ahan mid hada soo bilaabatay, waa qaabka ey Yahuudu ku xalaashadeen dhulka Falastiin, “Bidaari sibiq bey kugu gashaa” baa Soomaali ku maah maahdaa. Waxaana aasaas u ah habka FEDERAALEYNTA Qabyaaladeysan ee Soomaaliya, taas oo ey hubiyeen in Soomaalidu halka eyan ebid ka bogsooneyn tahay, hadey xodxodosho wax ku waayaane ey doonayaan in ey si fudud maamul goboleedyada heshiis ula saxiixdaan.

3. Ciidamada Badda ee ey dhisayaan ayaa ka mid ah cadeymaha muujinaya dhagarta ey la damacsantahay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Markii Dekedahaaga la maal gashto oo qeyb lagu yeesho, malaayiinta Xabashida iyo Oromada baahidu heyso ee hayaankaa xoogsato ahaan laguu soo geliyo, degaan, isku guursadaan, ilmana ku dhalaan!

Markii Maraakiibta dagaalka la dulkeeno Dekedaha Muqdiaho, Kismaanyo, Boosaaso iyo Berbara, laguna doodo in eey badeecadooda ka waardiyeysanayaan Burcad badeedka sida quwadaha kalaba yiraahdaan!

Marka Ciidankii lugta oo taangiyadooda wataa eey isku dhereriyaan laamiyada laga kala qaado Muqdisho, Kismaanyo, Boosaaso iyo Berbera laguna doodo in hantidooda ey ka ilaashanayaa Alshabaab iwm!

Marka aan la guu ogoleyn in aad yeelatid ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed(XDS), Police kiina la dhahay Qabiil kasta (Federal State) goonidiisa ha u dhisto!

Marka Qonsuliyado kulaga furto Moqdisho, Kismanyo, Baydhabo, Jowhar, Dhuusamareeb, Garowe, Hargeysa si Xabashida iyo Oromada la keeni doono loogu adeego, laguna ilaalinayo naftooda iyo deegaanada ay degi doonaan!

Hadaba arimahaas marka ey dhacaan yaan maciinsaneynaa, ma Qaramada midoowday (Mareykan ) oon ognahay halka ey ka taagantahay dalka Falastiin, adigoo taas ka qiyaas qaadanaya Jawaabtu waa KALIGAA CATAAW OO OOY.

TALO:-

1. Si qoto dheer ha looga fekero, hana loo falanqeeyo talaabo kastoo la qaadayo ka hor inta aan lagu dhaqaaqin.

2. Ha lagu tijaabiyo isu furanka ganacsiga caadiga ah ee xuduudaha.

3. Innaga ka Soomaali ahaan aan u raadinno Dekedaheena Investment ka imaanaya meelo ka baxsan wadamada deriska ah innagoo ku soo jiidaneyna shirkadahaas iyo wadadaas in aan heysano suuq balaaran (Ku xisaabtameyna Ethiopia), ka dibna aan iyagoon waxba nagu sheegan karin u ogolaano in ey badeeco kala soo degaan dekedaheena oo aan innagu go’aanka leenahay markaan doonana aan joojineyno marka aan doonana fasaxeyno.( Tani waxey noo noqon kartaa awood dhaqaale, iyo mid siyaasadeed oo aan adeegsan karno had iyo jeer).

4. Sidaas si la mid ah halaga fekero qorsho aan ku diyaarineyno ciidankeenii ilaalada Badda iyo maraakiibtiisii, si aan uga feejignaano dagaraha cadow kasta nuuca uu doono ha ahaado e.

5. Waxaan soo jeedinayaa codsanayaana Madaxda dalku waqtiga yar oo ey joogayaan muran la geliyo dhulkeena iyo badaheena in nagu filan wey noo taalaaye, in eyan kuwo hor leh noo abuurin. Mahadsanidiin

Qore: Mohamed Midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this