Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaaca ka qaaday arrin ay Somalia la damacsan tahay (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa daboolka ka qaaday in Dowlada Somalia ay ka shaqeyneyso hoos u dhiga horumada Somalia.

Wasiir Shire, waxa uu sheegay in dowladu ay xooga saareyso sida lagu cuuryaamin lahaa Somalia, waxa uuna tilmaamay in Somaliland aysan u babac dhigi doonin talaabooyinkasi.

Shire, waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay xiligaan isku dayeyso inay ka daba shaqeyso Somaliland, balse waxa uu ku celcelshay in ficil waliba oo ka dhaca Somalia ay baraarujin u tahay Somaliland.

Shire, waxa uu sheegay in cadaawad muuqata ay kala kulmayaan Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay ka facweyn tahay Somalia inteeda kale oo uu sheegay inay iminka kasoo boganeyso colaado daba dheeraaday.

Shire, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay isku dayeyso xitaa in Somaliland laga joojiyo macaamilka deeq bixiyayaasha, waxa uuna sheegay in Somaliland ay u madaxbanaan tahay Heshiisyada ay la galaan deeq bixiyayaasha.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia aanu waxba ka khuseyn cusbooneysiinta mucaamalka Somaliland kala dhexeeya adduunka waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia iyo Somaliland ay kala yihiin laba dal oo kala gaara.

Waxa uu tusaale usoo qaatay dharta uu sheegay in Somalia ay u maleegeyso Somaliland in Hawada maamulkooda laga shaqeeyay in laga maamulo magaalada Xamar, hase yeeshee waxa uu taa ku sheegay riyo aan rumoobi doonin.

‘’Somalia waxa ay ka shaqeyneysaa dhagarteena dhan waliba waxa ay ka faragalineysaa qorshooyinkeena madaxbanaani, waxaan ku talineynaa inay ka fiirsato talaabooyinka ay qaadeyso’’

‘’Somalia inta ay naga daba shaqeyneyso anagu lama jecleysan waa inay faraha kala baxdaa howlaheena gaarka ah, wayo waxaa dhibato nagu ah inaan xor u noqon weyno howlaheena’’

Sidoo kale, Wasiir Shire, waxa uu cadeeyay in Somaliland ay garaneyso sida ay u waaji laheyd culeyska la saarayo, waxa uuna rajo ka muujiyay inay meel isaga soo xiri doonaan dharbaaxooyinka uu sheegay inay kala kulmayaan Somalia.

Haddalka Shire ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dowlada Somalia ay xiligaani culeyska saareyso sida lagu hakin lahaa deeqaha ay Somaliland ka hesho deeq bixiyayaasha adduunka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this