Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab ku xayiran dekada Kismaayo iyo arrin sharci darro ah oo ka socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Markab weyn oo sida gargaar loogu talagalay dadka ku nool deegaanada Jubbaland ee daadadku saameeyeen ayaa ku xaniban dekadda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland waxaa dekadda Kismaayo ka socda daabulidda dhuxushii ugu badneed ee dhawaan laga dhoofiyo Jubbaland, waxaana taagan ilaa iyo 24 doomood oo u diyaar ah in ay dhuxusha qaadaan.

Ilaa iyo hadda ku dhawaad 10 doon ayaa la raray iyada oo wali shaqadu kusocoto in kabadan 10 kale oo la doonayo in dhuxul la saaro, howshaan ayaana habeenadii ugu dambeeyay si dardar leh uga socotay dekadda Kismaayo.

Maamulka dekadda ayaa ku amray shaqaalaha Markabka in sugaan inta ay ka dhammaaneyso shaqada dhuxul dhoofinta, iyada oo xittaa loo diiday in ay dhulka yimaadaan, markabka iyo shaqaalaha saaran ayaana wali ku xayiran meel dhawr mayl u jirta dekadda.

100 baabuur oo ah kuwa Soomaalidu u taqaani indha-tareega oo sida dhuxul ayaana habeen walba gala dekadda kuwaas oo laga soo raro keydka dhuxusha ee maamulka jubaland uu ka sameeya Baar-caleen iyo Via Afmadow oo ku yaala duleedka Kisaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Ganacsato ayaana iska kaashanaya mashruuca dhoofinta dhuxusha iyada oo dadka degaankuna ay cabasho ka muujiyeen xaalufinta dhirta.

Degmooyinka Jilib, Jamaame, Bu’aale, Saakow iyo Salagle oo katirsan jubbooyinka oo intaba ay Alshabaab gacanta ku hayaan ayaa laga jaray geedaha ugu badan ee dhuxusha, waxaana taas fududeeyay xiriir dhexmaray Maamulka Jubbaland iyo Alshabaab sida odaaysha dhaqanka ee degaanku xaqiijiyeen.

Degaanada Jubbaland ayaa horey Alshabaab uga dhoofi jireen dhuxusha iyada oo waayihihii dambe arrintaas ay istaagtay kadib markii dowladda Soomaaliya iyo dalal Maraykanku ka mid yahay ay faragaliyeen laakiin hadda waxa ay u muuqataa in Jubbaland ay dib u bilaawday xaalufinta dhirta, taas oo keentay in nolosha dadku ay sii adkaato.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this