Sign in to follow this  
Deeq A.

Hailemariam ‘’Ethiopia waxa ay eersaneysaa dadkeeda waa in indhaha la furaa’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Seddexdii sano ee ugu danbeysay ay Ethiopia lasoo baxeysay muuqaalo argagixiso.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Ethiopia ay marti galiso Qaraxyo aan dhaqan u aheyn dadka waxa uuna si caro leh u sheegay in dadka shacabka ah laga doonayo inay kala furan dhahooda.

‘’Maaha in dhaqanka Ethiopia ee nabadda ahaa loo bedelo mid argagixiso, dhibaatadu waa dhexdeena yaanan lagu marmarsiyoonin dad banaanka nooga imaaday’’

‘’Ethiopia looma adeegsanaayo cadow banaanka ka imaaday waa inaanu garanaa xaqiiqda oo aan beegsanaa kuwa lacagta ku qaadanaaya burburka dalkooda’’

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in Ethiopia iyada leysu adeegsanaayo, taasina ay dhabaha wanaagsan ka weecineyso Ethiopia.

Hailemariam Desalegn, waxa uu carab ***** in dhibaatooyinka amni daro ay horboodayaan kuwo uu ku sheegay inay ka luntay diirada Nabadda, waxa uuna tilmaamay in dhibaatooyinkaas aan laga soo maleegin banaanka.

Sidoo kale, Jihooyinka qaar ayuu ku dhaliilay inay kasoo horjeedan isbedelada ay ku talaabeyso Ethiopia, hase yeeshee waxa uu ka digay in Ethiopia lala meel dhigo Somalia, Liibya, Syria iyo wadamo kale oo ay ka jirto amni darro.

Haddalka Hailemariam Desalegn ayaa muujinaaya tuhun la xiriira in Qaraxyada dhifka ah ee kadhaca Addis ababa ay geystaan qowmiyadaha Ethiopia ee kasoo horjeeda Nabadda.

Caasimada Online

Xafiiska Addis ababa

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this