Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Yaa ka danbeeya awooda soo rogaal celisay Shabaabka Juabbaland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Juabbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen sugida amniga deegaanada maamulka kadib markii ay dayaceen howlihii loo igmaday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa qiray in ciidamada AMISOM ay aad uga hoos mareen heerkii laga filaayay waxa uuna cadeeyay inay u muuqaneyso in AMISOM ay la soo daristay mas’uuliyad xumi dhanka amaanka ah.

Wasiiru dowlaha waxa uu sheegay in ciidamda AMISOM ay howlaha amni kusii daayen keliya ciidamada maamulka, waxa uuna cadeeyay in taasi ay ka dhigan tahay in AMISOM ay sabab u tahay awoodaha ay lasoo baxayaan Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha, waxa uu tusaale usoo qaatay weerarada jid galka ah oo Shabaab ay kageysanayaan deegaanada Jubbaland, kuwaa oo uu cadeeyay in inta badan ay la kulmaan ciidamada maamulka halka ay AMISOM ka jiifatay aminiga.

‘’Waxan xaqiijinayaa in AMISOM ay sabab u tahay awoodaha ay lasoo baxeen Al-Shabaabka  maadaama aysan qaadin weeraradii loogu tallo galay inay ku ugaarsadaan Shabaabka’’

‘’AMISOM waxa ay nagu cidleysay howlgaladii waa nasiib daro ineysan la shaqeyn ciidamada maamulka maadaama ay sii kordhayaan weerarada Shabaabka’’

Waxa uu sheegay in awooda ay Al-Shabaab weerarada ku geystaan ay keentay abaabul xumo dhinaca dagaalka ah,taasina ay sababtay in Al-Shabaab ay awoodooda xoogeysato.

Maamulka gobolka Gedo ayaa horay u sheegay in degaanada Gobolkaas ay ku soo qul quleen Al-Shabaabkii ugu badnaa,isla markaana ay ka soo weerar tagaan.

Haddalka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa muujinaaya inaanu jirin wada shaqeyn wanaagsan oo maamulka kala dhexeysa ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this