Deeq A.

Gaas “”Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood London ma ahan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo Sabti ah waxa uu furay kal-fadhiga 41aad ee baarlamaanka Maamulkaas,kulankaas oo ahaa  kii ugu dambeeyey sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas.

Madaxweyne Gaas oo Khudbad dheer kajeediyay ayaa  hadlay Waxqabadka Maamulkiisa xiisadaha Siyaasadeed ee ka jira waqtigaan deegaanada maamulka Puntland iyo Arrimo kale.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dib u celiso degaanada ka maqan ee ku yaalla gobolka Sool.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Somaliland,maadaama uu sheegay in degaanada Puntland lagu soo xadgudbay.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in uu waddo dood ah in dowladda Ingariiska ay siisay gobolka Sool, taasina aysan aheyn wax soconkara.

“Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood London ma ahan, Taleex ma ahan Birmingham, Xudunna ma ahan Cardiff” ayuu yiri Gaas

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay ka qeyb  qaataan doorkooda ku aadan sidii gacanta Puntland loogu soo celin lahaaa Magaalada Laascaanood.

Isaga oo siiwata khudbadiisa ayuu sheegay in Puntland xilligaan ay wajaheyso dagaalo dhinacyo badan sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalayaal waxaan ku jirnaa dagaal ka duwan dagaaladii hore,waa mid saameyn ku leh diinteena,dalkeena,jiritaankeena iyo dowladnimadena,waa dagaal dhaafahy anshaxa suuban ee soomalida lagu yaqaanay waa mid salka ku haya been iyo isir naceyb,Sool ma ahan meel la aqoon waayey cida iska leh,mana ahan mid inta shandad lagu qaatao ictiraaf lagu raadado ayuu yiri Madaxweyne Cabduweli Gaas.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay dagaal culus waxaa uu ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Sool sidda degaanka Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Imikay ingriis kuwalaata. Cabdi cawar hadaad qabil ku sheegeneysid dhul Somaliland balwataase wardheer sheego hayb iyo qabil ku sheego. Bal aynu eegno halkay xabashidu ku mariyaan xabaashida kasakow  abdi ileey baa ku raamsanaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.