Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad qas amni & mid dhaqaale ku heysa Somalia oo ETHIOPIA u iibineysa Markab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay dhawaan iibsaneyso Markab ganacsi oo ka howlgali doona Dekadaha Somalia.

Ethiopia ayaa dhawaan Heshiis dhanka maalgashiga Dekadaha la gashay Somalia waxaana lagu wadaa in iibinta Markabka ay ka caawineyso Dowlada Imaaraadka carabta.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in Markabka loo iibinayo uu saldhig u noqon doono Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo amni ahaan ka wanaagsan Dekadaha kale.

Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta ahna ku- xigeenkaTaliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed, ayaa Heshiiska 16-kii Bishan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kadib sheegay in Imaaraadka carabta ay gacan ka geysan doonto sida Ethiopia ay ku maalgashan laheyd Dekadaha Somalia.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu qiray in garabka koowaad oo ay siinayaan Ethiopia uu noqon doono u iibinta Markab Ganacsi, si ay ugu sahlanaato ka mirro dhalinta maalgashiga Afarta Dekadood.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa la rumeysan yahay in dhibaato dhan amni iyo mid dhaqaale ay ku heyso Somalia, sababo la xiriira in Somalia ay kasii kabaneyso burburka.

Sidoo kale, Sababta ugu weyn ee uu Imaaraadka u garab istaagayo Ethiopia ayaa ah ka macaashida Kheyraadka Somalia, iyadoo ay rajadaasi u rumeysay dowlada Somalia oo 16-kii Bishan u saxiixday maalgashiga afar Dekadood.

Docda kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan iibsashada Doonyaha Ganacsiga ah ee dheereeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this