Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Solar Mobile Phones in Hargeisa

Recommended Posts

Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa manta soo bandhigtay adeeg cusub oo ay dhinaca isticmaalka Taleefanka Mobile-ka ku soo kordhisay, adeegaas oo ah Mobile Telesom u gaar ah, isla markaana ku shaqaynaya tamarta cadceedda, halkii dabka korontada lagaga jaajgarayn (charge) jiray.

 

Masuuliyiinta sarsare ee Shirkadda Telesom oo maanta kulan ay ku soo bandhigeen adeegan ay soo kordhiyeen ku qabtay Holka Shirarka ee Xaruntooda Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in Mobile-dan tamarta cadceedda lagu jaaj-garaynayo, ay ugu talagaleen inay isticmaalaan dadka reer Miyiga ah iyo kuwo degan Daabiyadaha oo aan dab caadiya helin ama aan korontoba ka jirin meelaha ay deganyihiin. Kuwaasoo ay tilmaameen in dhibaato fara badani ka haysato sidii ay dab ula heli lahaayeen Mobile-dooda. Sidaa daraadeedna ay adeegan Mobile-ka cadceedda ku shaqaynaya uu yahay mid ay ku ****olayaan baahida dadkaas. Si ay uga maarmaan raadinta dabka korontada ama laydhka loo yaqaanno.

 

Madaxa Suuqgaynta iyo xidhiidhka dadweynaha u qaabilsan Shirkadda Telesom Maxamed ***** Cilmi, oo ugu horeyan ka hadlay kulan Saxaafadeedka adeegaas lagu soo bandhigay, ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegan cusub ee ay ku soo kordhiyeen adeegyadii shaqo ee Shirkadda Telesom u qaban jirtay dadweynaha. Waxaanu sheegay inay dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan dadka reer Guuraaga ah iyo kuwo Tuulooyinka degan ay maanta ugu bushaaraynayaan inay u soo kordhiyeen Mobile ku shaqaynaya cadceedda oo aan u baahnayn in dab ama laydh lagu jaajgareeyo.

 

Maxamed ***** waxa uu sheegay in fikirka helitaanka Mobile aan dab ku shaqaynaynini yahay mid ka dhashay cabasho fara badan oo dadka reer Miiga ah iyo dadka Daabiyadaha aan korontada lahayn degan ka yimi, ka dib markii ay dhibaatooyin dhinaca dab la’aanta ah awgeed si fiican u adeegsan kari waayeen Mobile-da. Waxaanu intaa ku daray inay Shirkad ahaan gaadheen go’aan ah sidii loo heli lahaa Mobile tamarta Cadceedda ku shaqeeya, taasoo ay dhawaan ku guulaysteen, iyaga oo heshiis la galashay Shirkad Shiine ah oo Mobiledan soo samaysay, Mobile-daasna maanta laga bilaabo dadka loogu talagay ay meel kasta oo Xarumaha Telesom ku yaallaan ka heli karaan. Isla markaana qiimaha ay ku helayaan yahay mid aad u jaban oo ka hooseeya qiimaha inta badan taleefannada gacanta lagu iibiyo.

 

Faarax Suugaal oo ah Madaxa horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka Shirkadda Telesom, ayaa isaguna dhiniciisa faahfaahin ka bixiyey deegaannada adeegga Talifoonada laga heli karo dalka Somaliland, waxaanu sheegay in Taawarada Telesom ay gaadhsiiyeen guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, isla markaana isticmaalka Mobile-ka Telesom laga heli karo dhinac kasta oo dhulka Somaliland ka mid ah, Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Hawd, iyada oo dadka ku dhaqan Tuulooyinka iyo dhulka Miiga ah ay taleefankan cusub kaga raysan doonaan dabla’aan iyo caqabado badan oo ka haystay helitaanka koronto ay ku isticmaalaan Mobile-dooda, kuwaasoo inta ay magaalooyinka u soo diraan Mobile-ka uu habeenno ka dhixi jiray, si loogu soo dabeeyo.

 

Eng Muuse Cali oo ka tirsan Engineerada shirkadda Telesom oo ka mid ahaa Masuuliyiintii bandhiga maanta ka hadlay, ayaa tilmaamo ka bixiyey qaabka loo isticmaalayo Taleefankan cusub ee tamarta cadceedda ku shaqaynaya, waxaanu xusay inuu taleefankan Mobile-ka ah ee ay soo kordhiyeen muhiimad weyn u leeyahay dadka reer guuraaga ah iyo kuwa degan Tuulooyinka aan korontadu ka shaqaynin, isla markaana uu yahay Mobile wata jaajar nafsi ah, halkii Dabka Laydhka lagaga isticmaali lahaana lagaga isticmaalayo Cadceedda, iyadoo marka uu dhaco dabka taleefanka ku jiraa loo dhigayo Bacadka, ka dibna uu sidaa ku jaajgaraysmayo, ee aanu u baahnayn in dab lala raadsado.

 

Haddaba guud ahaanba barnaamijkaa Telesom ku soo bandhigtay adeegga cusub ee Mobile-ka iyo hadalladii ay Masuuliyiinta shirkaddu kulankaas ka jeediyeen oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa cod ahaan ee kala soco qaybaha soo sosocda ee Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com oo aannu idiinku soo baahin doonno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this