Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuu sabasaday horumarkii ay Somalia ku tallaabsatay todobaatameeyadii?

Recommended Posts

Deeq A.   
Subaxnimadii Talaadada ee 21-kii Octoobar 1969-kii waxaa talada dalka afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegay dowladdii Kacaanka ee uu hogaaminayay Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre.
Kacaankii 21-kii Octoobar wuxuu Todobadii sano ee ugu horeysay ku talaabsaday horumar la taaban karo. Wuxuu dalka ka hirgeliyay Hanaan Dowladnimo oo dhameystiran, wuxuu dhisay Ciidamo tayeysan, wuxuu hirgeliyay Ololahii Hirgelinta Farta Soomaaliga iyo Horumarinta Reer Miyiga, wuxuu Lacag la’aan ka dhigay Waxbarashada iyo Caafimaadka, wuxuu xoojiyay kaabayaashii dhaqaalaha, wuxuu kordhiyey wax-soo-saarkii dalka, wuxuuna abuuray shaqooyin badan oo ku dhisan “Maxaad taqaan?”
Todobadaas sano kadib, Soomaaliya waxay lugaha la gashay burbur iyo dib-u-dhac wiiqay awooddeedii oo ay ka dhaxashay halka ay maanta joogto. Haddaba, maxaa sababay burburkaas waaray?
Prof. Maryan Xaaji Cilmi oo aheed Marwada Madaxweyne-ku-xigeenkii dowladdii Kacaanka  Ismaaciil Cali Obokor oo Su’aashaas la waydiiyay waxay tiri: “Bilowgii Todobaatameeydii ayaan kasoo laabtay Talyaaniga oo aan kusoo bartay Cilmiga Siyaasadda, waxaana Macalin ka noqday Waxbarashadii sare ee dalka. Sanadkii 1972-dii waxaa la aasaasay gudmoomiyena la iiga dhigay Ururkii Haweenka Soomaaliyeed. Bishii December 1972-dii Qaramada Midooday ayaa soo saartay baaq caalami ah oo ay Sanadkii 1975-tii ugu aqoonsaneyso Sanadka Caalamiga ah ee Haweenka, waxaana annaga oo taas ka duuleyno 11-kii Jannaayo ee sanadkaas oo ku beegneed Maalinkii Xaawo Taako la dilay ka dhigannay maalinka Haweenka Soomaaliyeed. Maalinkaas ayaan xaflad aan si heersare ah usoo agaasinnay oo ay isugu yimaadeen dumar badan ku qabsannay garoonka Koonis, waxaana kasoo qeyb-galay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.  Aniga ayaa furay madasha, waxaana igu xigsaday Xasan Abshir oo ahaa duqa magalaada Muqdisho, wuxuuna kusoo dhoweeyay Madaxweyne Siyaad. Maxamed Siyaad wuxuu si fiican u ammaanay Haweenka Soomaaliyeed, kadibna ka hadlay xeerkii qoyska iyo Sinnaanta Ragga iyo Dumarka. Xeerkaas wuxuu sabab u noqday in 26-kii Janaayo 1975-tii la dilo culimadii arinkaas kasoo hor-jeesatay. Culimada la laayay shacabka Soomaaliyeed dembi ayay ku lahaayeen waayo ma jirin cid ka hadashay”
Maryan Xaaji Cilmi oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: “Waxaana aaminsanahay in ay haweenka Soomaaliyeed sabab u yihiin buburka iyo dib-u-dhaca ilaa maanta na heysta ee aan ka dhaxalnay dilka culimadaas ka hor-timid xeerkii qoyska ee dumarka lagula simayay ragga, xeerkaas oo meel-mari waayay lagana dhaxlay caro Alle. Waxaan gabdhaha Soomaaliyeed kula talinayaa in ay sinnaanta ay rabaan ku gaaraan Karti iyo aqoon, ayna meel iska dhigaan waxa ay reer-galbeedku noo meeriyeen ee aan horay ugusoo xiiqnay, ayna ogaadaan in uu Islaamku shalayto tirtiray dhaqankii gaalada ee ahaa in gabadha nolosha lagu aaso, aysanna jirin wax xaquuq ah oo ay diinteenna muqadaska ah kala maqantahay haweenkeenna”
Waxaa qoray: Eng. Hussain Sabrie

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this