Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Farmaajo oo shaaciyey arrin ay isaga iyo Uhuru isku raaceen oo ku saabsan darbiga Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa kaga hadlay guud ahaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Intiinii la socotay Shabakadda Caasimadda Online ayaa waday qoraalo kala duwan oo ay ka sameeneyso wareysigaan, waxaana markaan soo qaadaneynaa hadalkii uu Madaxweyne Farmaajo ka yiri Darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso Xuduudda Magaalada Beled Weyne ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo la waydiiyey haddii uu Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu kala hadlay darbiga ay ka dhiseyso Xuduudda Beled Xaawo markii uu tagay dalka Kenya ayuu sheegay inuu safarkaas ahaa mid waqti kooban isla markaasna uu arrintaan kala hadlay Madxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in markii ay soo baxday arrintaas uu la xiriiray Madaxweynaha Kenya isla markaasna ay isku afgarteen in la joojiyo dhismaha darbigaas inta ay iska arkayaan labada madaxweyne.

“ Markii ay bilaabatay dhimaha darbigaas waxaan la xiriiray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana ku heshiinay in dhismahaas la joojiyo inta aan iska arkeyno, wuuna iga aqbalay”

Madxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu Uhuru arritaan kala hadlay markii uu dalkaas gaaray isla markaasna lagu heshiiyey in la sameeyo qiimeyn socon doonto muddo lix bilood si loo ogaado saameynta ay arrintaas yeelan karto.

“ Markii aan is aragnay labadeena, waxaan ku heshiinay in arrintaas loo saaro guddi isla markaasna ay gudigaas ka shaqeeyaan daraasadna ay ka sameeyaan oo labada dhinac ah muddo 6 bilood ah ayna noo soo gudbiyaan sida aan ka yeeleeno shacabkeena Soomaaliyeed deegaanadaas dagan iyo wixii arrintaas aan ka qaban laheyn”

Madaxweynaha oo la waydiiyey jawaabta uu shacabka Soomaaliyeed ka siinayo buuqa ka taagan Beled Xaawo oo la leeyahay waxaa la qaadanayaa dhulkii Soomaaliyeed ayuu yiri:

“ Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaa leeyahay aamina dowladiina, Dowlad ayaad doorateen oo idin mataleyso oo danihiina ka shaqeeneyso, anagana way naga go’aan tahay inta aan joogno inaan danaha umadda Soomaaliyeed ka hormarino wax walba,  waa xaqiiq dad dano siyaasadeed leh iyo Shabaabka laftooda ayaa wax walba oo dhaca ka sameeyo dood waalan oo dadka lagu jahwareerinayo” .

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka uu madaxweynaha ka yiri arrintaan

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Darbiga-Kenya-iyo-Muranka-Badda.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this