Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isilwasaare Kheyre oo Beeniyay in heshiis la la galay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Boqolaal Soomaaliyeed kula hadlayay Dalka Norway ayaa been abuur ku tilmaamay in Itoobiya heshiis la la gaaray.

Waxa uu sheegay in aanay jirin in dowlada Soomaaliya ay heshiis la gaartay Dowlada Itoobiya isaga oo sheegay in bulshada Soomaaliyeed lamar habaabinayo.

“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo weliba  Facebook wax ku siyaasadeeya,dadkana xumaan uga dhiga,heshiiskii itoobiya iyo Somalia ee lagu gaaray muqdisho warmurtiyeed ayaa lagu soo saarey in dhaqankii hore wax laga bedelo iyo in dekedaha Somalia loo furi si ay u isticamalaan ayuu yiri Kheyre.

Bulshada Soomaaliyeed qaarkood ayaa si aad ah uga soo horjeeystay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray Muqdisho ee ku aadanaa Dekadaha.

Hoos ka Dhageyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Cod-Kheyre-Cowke.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Beeniyay in heshiis la la galay Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this