Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Xasan Sheekh oo 5 qodob xasaasi ah ku sheegay xalka dagaalka ka socda TUKARAQ

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somalia, ayaa qoraal dheer uga hadlay colaada dhiiga badan ku daatay ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland, taa oo ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa diirada ku saaray colaada iyo dhibaatooyinka ka dhashay, waxa uuna baaq nabadeed u jeediyay labada maamul.

Xasan Sheekh, ayaa qoraalkiisa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook kusoo koobay 5 qodob oo uu culeyska ku saarayo dhibta dagaalka iyo dheefta ay leedahay nabadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XASAN SHEEKH EE 5 QODOB KA KOOBAN

Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay.

Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan.

Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”

Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.

In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

1-Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

2-In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

3-Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah oo ka dhaca TUKARRAQ lafteeda

4-Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

5-Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:

“WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this