Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAJAO: “Mucaaradka meelaha ka qeyliya sumcada ayaa sidaas uga lumeyso, dowladda way fadhisaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga dowladda ayaa ka hadlay waxyaabo badan, waxaana wadnaa warbixino aan uga hadleyno qeybaha kala duwan ee uu kaga hadlay wareysigiisa.

Warbixintaan waxaan kusoo qaadaneynaa su’aal muhiim aheyd oo la waydiiyey madaxweynaha kuna saabsaneyd haddii uu  kulan is cafin ah ku casuumayo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa, maadaama uu isaga dhawaan ka qeybgalay kulan ay isku cafinayeen Madaxda dowladda Kenya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inuu jiro farqi u dhaxeeyo Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay Kenyanka gaareen heer ilaa ay laba madaxweyne ka yeeshaan taasna aysan weli Soomaaliya gaarin isla markaasna ay Soomaaliya ka dhacday doorasho cad.

“ Waa Su’aal wanaagsan, anaga qaabkeena iyo qaabkooda waa kala yara  duwan yahay, ayaga doorashadooda waxay gaartay  inaysan is aqoonsan oo uu caalamka soo kala dhexgalo oo ay mar gaareen in laba madaxweyne  meesha looga dhawaaqo ilaa markii ugu dambeysay xaaladooda ay aad u cakirneyd, anaga doorashadeena waa ka duwaneyd, wuxuu ahaa mid cad oo banaanka yaal, markuu dhamaadana waa tii aan  anaga gacmaha is qabsanay oo caalamka runtii arkeen oo wadamo badan oo filayey in Soomaaliya aad u dambeyso qiray inaan taaganahay meel aad u fiican oo aan iyaga badankood ka horeyno, sidaas ayey ku dhamaatay doorashadeena” ayuu yiri Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in howlaha ay wadaan mucaaradka Soomaaliya ay tahay dhaqan soo jiray isla markaasna aysan wax weyn aheyn in mooshin Kenya iyo Somalia laga abaabulo iyadoo aysan dowladda 3 bil xataa jirin.

“ Wixii doorashada ka dambeysay, laba bil iyo seddex iyadoo la joogo waxaa bilowday wixii dhaqanka u ahaa Soomaaliya, waana wax iska caadi ah, in Kenya lagu shiro oo la yiraahdo Xukuumadaa la ridayaa oo mooshinaa laga keenayaa waxay iska aheyd wax iska dhaqan ah, iyado la sugayo aniga iyo Ra’isulwasaaraha inaan is qabano muddo yar dhexdeeda haddana dowlad kale la dhiso oo haddana dowlad kale la dhiso, Marka Al Xamdulillaahi waxaa kuu sheegayaa dowladda waa fadhisaa” ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inay dowladiisa u baahan tahay mucaarad wax ka sheego, balse ay fiican tahay inay noqdaan mucaarad wax dhisa ee aan wax dumin

“Waan u baahanahay dad wax naga sheego, Mucaarad waan u baahanahay, iyadoo looga baahan yahay inay noqdaan mucarad wax dhiso, haddii looga barto iyaga laftooda dad iska qeyliyo sumcadda ayaa ka lumeyso, marka waxa weeye wax aan oran karo caqabad ah oo dowladda dhexdeeda heysto ma jiro, saas ay tahay waan ku dadaaleynaa inaan raadino cid kasta aan ku qancin karno inay dowladnimada nagala shaqeeyaan, dalkeena wuxuu marayaa xaalad aad u adag, Shabaab ayaan la dagaalameynaa, dhaqaalaheena weli sooma kaban, dalkii wuu kala maqan yahay, cid kasta oo aan ku tuhmeyno mas’uuliyad Iyo maslaxad waan ku qasbanahay inaan raadino oo aan la shaqeyno sida shirkii ugu dambeeyey ee Baydhabo ka dhacay waana ku qasbanahay inaan raadino cid kasta oo tabasho qabto oo ay ku jirto wadaniyad iyo Mas’uuliyad” ayuu kusoo gabagabeeyey Madaxweynaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanayo xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay bilaabeen inay waji kale u yeelaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo Dalka Itoobiya.

Halkaan hoose ka dhageyso Jawaabta Madaxweynaha

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Farmaajo-kulan-is-cafis-ma-ku-casuumayaa-mucaaradka.mp3

Caasimada Onlne

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this