Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo looga mahad-celiyay Taageerada ay siiyaan Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerada_Turkiga_ee_Somalia-1.jpg?resiMuqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) ayaa uga mahad-celiyey Dowladda iyo Shacabka dalka Turkiga taageerada walaaltino ee mar walba ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay qirayaan doorka weyn ee Turkigu ka qaatey dib-u-soo kabashada dalka, waxaana uu xusay in kaalinta Turkiga ee Soomaaliya wax weyn ka bedashay xaaladda dalka, gaar ahaan waqtigii adkaa ee indhaha caalamka ay Soomaaliya kusoo jeedisay booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ee August 19, 2011.

“Waxaan ugu mahadcelineynaa Dawlada Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagga xili muhiim ahaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeedisay booqashadii August 19, 2011 .”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay Munaasabad lagu taageerayay Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Sidoo kale, Inj. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed abaalka Turkiga marna ilaawi doonin, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isla markaana xajmiga taageerada ay bixiyeen la barbardhigi karin inta ay ina siiyaan waddamada kale.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan oo dhinac taagnaa Safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa caddeeyey in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruuddu ku xirnayn, shacabka Muqdisho ku dhaqanna ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

Taageerada_Turkiga_ee_Somalia-2.jpg?resi Taageerada_Turkiga_ee_Somalia-3.jpg?resi Taageerada_Turkiga_ee_Somalia-4.jpg?resi Taageerada_Turkiga_ee_Somalia-5.jpg?resi Taageerada_Turkiga_ee_Somalia-6.jpg?resi

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda iyo shacabka Turkiga oo looga mahad-celiyay Taageerada ay siiyaan Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this