Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa Salaasada maanta ah magacaabay Garyqaqaanka guud ee dowladda Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 19 June 2018 ayaa Garyaqaanka guud loogu magacaabay, Maxammed Yuusuf Maxamuud,kadib markii 22 bishii May ee sannadkaan uu geeriyooday,Maxammed Muuse Ismaaciil oo ahaa Garyqaqaankii guud ee Puntland.

Halkaan ka akhriso Wareegtada magacaabidda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu ku Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland

Xeer Madaxweyne Lr. 83 June 19 2018, kuna saabsan Magacaabid  Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

 

Markuu arkay:                                   Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgaliyey:                          Aqoon tiisa iyo khibradiisa Shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Maxamed Yuusuf Maxamuud loo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland

2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

 

The post Madaxweyne Gaas oo magacaabay Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this