Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhoweeyay heshiiskii DFS iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii dhexmaray maray dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maamulka Hir Shabelle ayaa soo dhoweeyay heshiiskaasi iyaga oo sheegay in dano badan ay ugu jirto Maamulkoodo.

Madaxweyne Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaasi ay aad u soo dhoweeynayaan.

Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uu daris la yahay Itoobiya isaga oo sheegay in Waxyaabo badan ay is dhaafsanayaan.

Sabtidii la soo dhaafay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan Maalgashi qaar kamid ah Dekadaha dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageeyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Waare.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo soo dhoweeyay heshiiskii DFS iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this