Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo ka hadlay Heshiiska aya kala saxiixden DFS & Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma.

Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia.

Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay

Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska.

Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this