Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-mari waaga MADAXDA maamulka GALMUDUG iyo saddex arrin oo laga filayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Haddii hannaan dowladnimo oo si wanaagsan loo dhagax dhigay la rabo in la dhaqaajiyo waxaa laga bilaaba heshiis iyo is afgarad ay u dhan yihiin dadka halkaas ku nool.
Hannaanka loo dhisay Galmudug oo ahaa mid la doonayey in lagu horumariyo dadka iyo bulshada deegaanka rabi ku wada abuurey ayaan noqon mid lagu shaqeeyo, taaso keentay ismaandhaaf, muran iyo ismari waa joogta ah oo soo noqnoqday una dhaxeeyay madaxda sare ee maamulka Galmudug kaasoo meesha ka saaray guud ahaan filashadii waxqabadka laga sugayey maamulka.
Maamulka waxaa laga sugayey ugu horreyn saddex arrimood:
1. In guud ahaan maamulku wada gaaro deegaanka.
2. In la dhiso hay’adaha dowliga ah oo dhan oo deegaanku helo ciidan ilaaliya amniga guud ahaan iyo gaar ahaanba, heer gobol ilaa degmo.
3. In dhismaha guud ee dalka laga qaybqaato iyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda lana wada gaarsiiyo deegaanka Galmudug.
Muddo 3 sannadood ku dhaw ilaa hadda ma jirto hal tallaabo oo la qaaday aan ka ahayn, wasiiro la magacaabo, madaxweyne dhaca iyo xildhibaanno aan mushahar loo hayn oo 300 ku dhaw.
Soomaaliya ayaa 30 sanno wax ku weysay ismaandhaaf iyo is mari waa, una malayn maayo inay reer Galmudug xal ku keeni doonaan.
Muranka ku dhisan madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa xukuumada oo dhinaca ah iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhinaca ah, ayaa qoloba qolada kale ku eedaysaa.
In qolo gaar ah wixii lagu heshiiyey baal martey oo ay iska maamuushaan Galmudug waa garabka madaxweynaha e, ayay garab qabaan.
Halka qolada kalena andacoodaan in labada nin ee madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ka shiidaal qaataan Muqdisho oo labada nin ee la beesha ahi gacan weyn ku leeyihiin muranka iyo is mari waaga.
Haddaba, dhanka kale ayaa waxaa jira beello dhawr ah oo aad u saluugsan hannaanka wax lagu wado lana baxay Group 4 oo ka soo horjeeda Madaxweynaha iyo Madaxa xukuumadda una arka in lagu xadgudbay heshiiskii wadareed.
Beelaha qaarkood maba qarsan ee si toos ah ayay u sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen, guud ahaana ka baxeen is Af garadkii Galmudug.
Ma jirto madaxda labada dhinac cid ka hadashay, taasoo muujineysa inaanba dan laga lahayn joogitaankooda iyo tegitaankooda!
Galmudug waxaa laga sugayey dhisme maamul isku dheelitiran, waxbarasho, caafimaad, nabadgelyo, shaqo abuuris iyo isku furka gobollada deriska ah iyo maamulka deegaamadiisa, ilaa hadda waxay dhaafi la’ dahay in hal qol oo xafiis ah, marna cadaado laga raro marna dhuusamareeb laga furo, Madaxtooyada guurta ama wareegta ee Galmudug.
Maamul dadkii dhistay aysan isku qanacsaneyn heerkee iyo halkee buu gaari karaa?
Maxaa dadweynaha kale ee. waxgaradka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta dowladda dhexe, ganacsatada iyo dadweynaha u diiday inay farageliyaan oo ay iyagu dantooda ka tashadaan, oo aysan noqon; Taraq hadba nin sigaar ka shito.
Galmudug iney kala guurto iyo iney isla guurto midkeebaa u dan ah?
Dadka degan Galmudug badankoodu waxay aad uga soo horjeedaan heshiiska dhuusamareeb, degmooyinka kala ah, Ceelbuur, Galhareeri, Ceeldheer, Caabudwaaq, Cadaado Xarardheere, iyo degaano kaloo badan, markaa waxaan dhihi karnaa waxaa heshiiskaas wada galay, Gaalkacayo iyo dhuusamareeb keliya.Taasi maaha mid majooratigu raacsan yahay ama raaci karo.
Ugu dambayn maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ee mataanahaa, ayaa ah kuwo ilaa haatan nugul oo aan curdan ka bixin, lahayna awood siyaasadeed, ma dadkooda ayaa kuwa kale ka liita mise waa dhib meel kale ka haysta?
W/Q: Cismaan M. Qanyare
Email: osman_kanyare@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this