Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo Booqday Furimaha Dagaalka Tukaraq Lana Kulmay Saraakiisha Ciidanka Muxuu u Sheegay.{Sawiro}

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland ahna Taliyaha ciidamada guud ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday maanta jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan labada ciidan ee SNM & Puntland, wuxuuna tagay furimaha dagaalka oo ay shirar ku yeesheen saraakiisha ciidamada.

Gaas ayaa goob goob u booqday fariisimada ciidanka, goobihii ay ku jebiyeen jamhadda soo weerartay dhulka ee SNM, iyagoona kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka Puntland oo ay u sheegeen in dowladdu ay marwalba diyaar u tahay nabadgelyo laakiin aysan waxba ku bedelan doonin difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu ciidanka difaaca dowladda Puntland u sheegay in xukuumadda iyo shacabkuba ay ku garabtaagan yihiin shaqada ay dalka u hayaan, isagoona horay u sheegay in Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn haseyeeshee ay difaacayso dalkeeda.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto saacadaha soo socda waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay ka cabsi qabaan dagaal dib uga qarxa deegaamada ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa maamulka SNM.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxa ay booqdeen maalinimadii shalay fariisimada dagaalka ee ciidanka dowladda Puntland kuleeyihiin Tukaraq.

Booqashada madaxweyne Gaas ee jiida ayaa ku soo beegmasa xili maalin uun ay inaga xigto kalfadhigii barlamaanka puntland oo ku beegaan 20 bishan.gaas-ciidan-2.jpg?x45324gaas-ciidan-5.jpg?x45324gaas-ciidan-6.jpg?x45324

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this