Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdigiisii oo gaaray Magaalada Oslo ee Xarunta Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdiga_Khayre_ee_Norway.jpg?resize=832%Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway.

Shirkan oo qorshuhu yahay inuu socdo 19-ka illaa 20-ka Juun ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia ayaa sidoo kale inta uu joogo Magaalada Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdigiisii oo gaaray Magaalada Oslo ee Xarunta Norway appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this