Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo daqiiqado kadib gudbineyso Jawaabta dacwadda Muranka Badda ee Kenya kala dhaxeyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadda geeska Africa marka ay tahay  4:30 galabnimo waxay gudbineysaa caddeymo ku aadan kiiska dacwadda Badda Soomaaliya ee kala dhaxeyso dalka Kenya oo ah Jawaab looga fadhiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacweysay dalka Kenya kadib marankii ku saabsanaa Badda Soomaaliya, waxaana Kenya horey ay maxkamadda u geysay caddeymo iyo document ay ku sheegeyso in loogu saxiixay Badda.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inay soo gudbiso Caddeymo iyo Documentiyo, wayna gudbisay mar hore, iyadoo hadda lagu ballansan yahay Jawaabaha.

Maanta ayaa loo ballansan yahay inay dowladda Soomaaliya soo gudbiso jawaabta ku saabsan Documeniyada ay soo gudbisay Kenya.

Wararka naga soo gaarayo Xarunta Maxkamadda Adduunka ayaa sheegayo inay halkaas xaadir ku yihiin Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Qareenada u doodayo Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Biljamka Cali Saciid Fiqi.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay makamadda horteeda kusoo bandhigto muuqaal iyo Documentiyo badan oo ay uga jawaabeyso dooda ay soo gudbisay dowladda Kenya.

Waxaa xusid mudan in Kiiska Badda uu soo bilowday isla markaasna uu salka ku hayo is faham dowladda Kenya iyo dowladda ay kala saxiixdeen sanadkii 2009  kadibna uu laalay Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa heshiiskaas Badda Soomaaliya lagu wareejiyey Kenya dowladda Soomaaliya waqtigaas u saxiixay Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiramaan Cabdishakuur Warsame, waxaana xilligaas Ra’isulwasaare ahaa Cumar Cabdirashiid.

Markii ugu horeysay waxaa dacwadaaan maxkamadda Adduunka u gudbisay Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana hadda howsha dhameystirkeeda wado oo qarash badan ku bixineyso dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this