Sign in to follow this  
Deeq A.

Marin habaabinta Mucraadka ee Heshiiska Soomaaliya – Itoobiya iyo garasho la’aanta shacabka!

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa dalka Soomaaliya ka taagan muran weyn oo ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya imaaday Magaalada Muqdisho maalintii Axadda aheyd markaas oo la wada gaaray heshiis ku dhisan is afgarad iyo ganacsi.

Haddaba waxaan maqaalkaan kooban doonayaa inaan kaga hadlo heshiiska la kala saxiixday, danta ugu jirto Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo fasiraadaha qaldan ee laga bixiyey.

Akhriso 16-ka qodob ee la kala saxiixday

1 – Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, Gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta  xiriirka ku dhisan walaltinimo, dhaqanka, derisnimada iyo istixgelinta labada dal.

2 – Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadasheynta guud, xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac.

3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh.

4 – Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga sameynayaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka.

5 – Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii.

6 – Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha, waddooyinka.

7 – Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga,  gaar ahaan ilaa 4 dekedood,  waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afardekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya,  waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay.

8 – In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac.

9 – In loo baahanyahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay kunoolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada, waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba.

10 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodi ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Alshabaab.

11 – In mudnaan gaar ah la siiyo dowrka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago qatarkasta oo ku wajahan gudaha iyo dibadda, waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

12 – Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta oo xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale, iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya.

13 – Arrimaha caalamiga ah, waxaa ay ugu baaqeen QM in ay la timaado  nidaam waxtar badan oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin,  Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo dodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysat in xal waara loo helo.

14 – Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleysto in ay ka gudubto aqabado badan islamarkaana ay u jahaysatay dhanka horumarka.

15 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey raiisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid waxtar uleh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

16 – Madaxweyne Farmaajo oo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay raiisul wasaare Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafddigiisa.

Hadalkii Abiy Ahmed markii uu ku laabtay Itoobiya:

Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa markii uu dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa la hadlay Telefishinka Qaranka Itoobiya EBC, ayuu ku sheegay in Madaxda Soomaaliya isku afgarteen inay hal dal noqdaan.

“Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku hadlayay afka Amxaariga. 

Mucaaradka Iyo fasiraadii ay ka bixiyeen

Siyaasiyiin Calooshood u shaqeystayaal ah oo ujeedka ay leeyihiin ay tahay kaliya in la iska horkeeno shacabka iyo Dowladda ayaa u arkay fursad qaali ah inay si qaldan u fasiraan heshiiska dhex maray dowladda Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya.

Fasiraadda ugu qaldan ee la bixiyey ayaa aheyd hadalka Ra’isulwasaaraha Itoobiya ee ahaa inay Soomaaliya iyo Itoobiya noqonayaan hal dal, taasoo ay Mucaaradka ka dhigeyn inay ka dhigan tahay in Soomaaliya ama Itoobiya midkood meesha laga saari doono oo hal dal la noqon doono.

Maahan sidaas, maahan sida Mucaaradka kursi doonka ay u maran habaabinayaan shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta la nacsiiyo dowladda u dhalato si loo niyad jabiyo.

Dalka Soomaaliya waa dal madax banaan, ka tirsan Qaramada Midoobay, waxay xor u tahay inay heshiis kasta la gasho dowladaha kale haddii ay dan ugu jirto labada dhinac dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, heshiiska hadda la kala saxiixdayna waa mid ku saleysan inay Itoobiya isticmaasho Dekadaheena isla markaasna laga qaado Canshuur.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhex jiray colaaad iyo cadaawad muddo badan soo jirtay, marka uu Ra’isulwasaaraha Itoobiya dhahayo hal dal ayaan noqoneynaa waa hadal ujeedka laga fahmayo uu yahay aan iska ilowno wixii nasoo dhex maray, aan u dhaqano sida hal wadan oo kale, aan isku kaashano sida hal wadan oo kale, aan iska ilowno wixii nasoo dhex maray, ee maahan aan Soomaaliya meesha ka saarno Itoobiya hala noqdo, ama Itoobiya meesha halaga saaro Soomaaliya hala noqdo.

Inuu sidaas ula jeedo waxaa si weyn kuugu soo caddeynayo hadalkiisa dambe ee uu raaciyey ee ahaa  “ inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha” oo micnaheeda yahay colaaddii nasoo dhex martay aan iska bixino aan bilaabano buug cusub oo taariikhi ah.

Maxaa ku jaban in lala heshiiyo Itoobiya, oo aan wax kasta ku dhameysano heshiis, si aan u helno dhulka naga maqan iyo ganacsi badan? Halkii aan dagaal iyo dhibaato ku jiri laheyn maadaama dalkeena uu ku jiro xaalad soo kabasho ah.

Maxaa la haboon Shacabka Soomaaliyeed

Dad gaar ah oo leh dano siyaasadeed iyo ujeedooyin fog fog ayaa marin habaabin ku hayo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo danta ugu weyn ay leeyihiin tahay in la iska horkeeno dowladda iyo Shacabka isla maarkaasna lagu jiro xaalad kacsanaan ah si ay u gaaraan hadafkooda ah (Dowladda Waa fashilmatay) taasoo ay aaminsan yihiin inay ku heli doonaan guul doorashooyinka soo socdo.

Aniga ahaan, qoraaga maqaalkaan kooban waxaa aaminsanahay in Soomaaliya aysan dhici doonin inay madax banaanideeda ka tanaasusho, inay is dhiibto, waa dal soo jireen ah leh taariikh fog, adduunyada dhanna way ku jiiftaa inaysan Soomaaliya sidaas u fududeyn.

Sidoo kale waxaa aaminsanahay inaysan Dowladda Soomaaliya marnaba ka suurtagelin inay gasho heshiis meesha looga saarayo Jiritaanka Soomaaliya ileen iyada ayaaba ah madaxda Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya meesha ka saaraan yey u talinayaan? halkee ku noolanayaan?

Siyaasiyiinta dadka qaldayo ayaa ku jiifo inay jiraan dad Soomaali ah oo aan laheyn garasho, fakar iyo inay  iska hubiyaan wax kasta oo loo sheego, sidaasna ay mar kasta ugu fakaraan in loo isticmaalo sidii loogu niyad jabin lahaa tashuusna loogu furi lahaa kuwa kale ee caqliga iyo fakarka u saaxiibka ah.

Waxaa Qoray: Abdirizak Muuse Xuseen

Email: abdirzak1111@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this