Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow” Diplomaasiyiinta ku Sugan Soomaaliya ma soo dhaafaan Xerada Xalane”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday xarunta safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa ka hadlay arimo la xariira Diplomaasiyiinta ku sugan Muqdisho.

Eng. Yariisoow ayaa amaan u jeediyay Dowlada Turkiga isaga oo sheegay in safaaradeeda ay ku taala bartamaha magaalada Muqdisho.

Waxa uu ku eedeeyay Dalalka kale in ay ka maseereen Dowlada Turkiga hayeeshee ay soo dhaafi weysay xerada amaankeeda aadka loo adkeeyay ee Xalane oo fadhiidisin u ah ciidamada AMISOM.

Qaar kamid ah dowladaha Shisheeye ayaa ku shaqeeya islamarkaasina safaaradahooda ay ka furanyihiin xarunta Xalane.

Hoos ka dhageyso codka Eng. Yariisoow

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Eng-Yariisoow.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho

The post Yariisow” Diplomaasiyiinta ku Sugan Soomaaliya ma soo dhaafaan Xerada Xalane” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this