Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo Faah Faahisay heshiiskii Dekadaha ay la gashay Dowlada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo wariyaasha shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya Dhowaan ku gaareen Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu horeeyn sheegay in Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali uu Muqdisho ku yimid codsi kaga yimid Madaxweyne Farmaajo isaga oo sheegay in muhiim uu ahaa heshiiskii ay yeesheen.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle ayaa ka hadlay heshiiskii ku saabsanaa Maalgashiga Dekadaha isaga oo sheegay in heshiiskaasi Itoobiya kale aanu siineeynin in ay maalgashadaan Dekadaha hayeeshee ay fursad ka heli karaan Dowladaha Caalamka iyo Ururada caalamka si ay faa’iido uga helaan.

Sabtidii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho yimid Ra’isilwasaaraha Dalka Itoobiya iyada ay heshiis wada gaareen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo waxaana xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay si aad uga hadleen arintaasi qaar kamid ah Bulshada ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damaca Itoobiya ay in badan ku taameeysay oo hirgalay halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaasho u dhaxeeya Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay horay uga dhaxeeysay xurguf.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Daahir-Maxamuud-Geele-.-PP.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post DFS oo Faah Faahisay heshiiskii Dekadaha ay la gashay Dowlada Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this