Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo wada qorshe lid ku ah dadaalka QM ee Soomaaliya + Warbixin

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa wada qorsho lagu kordhinaayo mudada ay ciidamadeeda kusii nagaan doonaan dalka Somalia oo ay u joogan howlo nabad ilaalineed.

Ruhakana Rugunda oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Uganda ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u dhaliilsan tahay qorshaha lagu doonaayo in ciidamada Midowga Africa looga saaro Somalia oo aan weli ka bogsan amni darada iyo hujuumka Al-Shabaab.

Ruhakana Rugunda, waxa uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin in Somalia ay kusii nagaadan sanado hor leh, maadaama amniga Somalia uusan aheyn mid wali ku fadhiya caga wanaagsan.

Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamada Ugandha kawadaan Somalia ay la kaashan doonaan dowladda China oo ku han weyn xal u helida Somalia.

Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in China aan looga maarmi doonin  Marka ay timaado ka qeyb qaadashada xalinta ammaanka Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa ugu baaqay dowladda China inay ku caawiso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sidii QM ay ugu noqon lahayd qorsheheeda ku aadan dhisidda ciidamada AMISOM  ee ka howlgala Somalia.

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa saluugsan qorshaha QM ee ku aadan ka bixitaanka Ciidamadooda Somalia xiligani iyagoona ku celceliyay cawaaqib xumo ka dhalandoonta Qorshahaasi Hadii aan wax laga badalin.

Qaramada Midoobay ayaa horey u meel marisay qaarar Qeexaya kabixitaanka Ciidamaad AMISOM ee ka howlagla Somalia iyo in ay guud ahaan amaanka dalka ku wareejiyaan Ciidamada dowoladda Somalia.

Haddalka Ra’iisul wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa u muuqanaaya mid ay Ugandha ku dooneyso inay ku dheereysato xiliga ay ciidamadeeda kusii nagaanayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this